Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Odayaasha deegaanka Hoosungow oo ka hadlay khasaarihii dagaalka iyo duqaymaha

Dagaalada Hoosungow ayaa saameyey dadka degan tuulada, Sawor/Kaydka/Yusuf/Radio Ergo

Nairobi 29 Mar, 2012

Odayaasha iyo wax garadka ku nool degaanka Hoosungoow ee gobolka Jubbada hoose   ayaa sheegay dadka degaanka ay soo waajahday cabsi aad u daran  kaddib markii magaaladu ay noqotay goob ay ku hardamaan dhinacya hubeysan,oo ka kala tirsan xukuumadda Kenya iyo xarakada Shabaab.

“Habeenkii dadka degaanku waxay ku baryaan duurka taasoo ay ugu wacantahay iska hor imaadyada ka dhacaya degaanka oo noqday kuwa joogta ah”  sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Nabaddoon Maxamuud C/llaahi  Xusseyn oo  kamid ah wax garadka tuulada Hoosungoow ,nabaddoonka ayaa sidoo kale sheegay in degaanka muddooyinkii la soo dhaafay ay ka dhaceen duqeymo xoog leh  kuwaasoo  halkaasi ay ak geysteen diyaaradaha dagaalaka dawladda Kenya”.

tirada  dadka  rayidka ahaa ee ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha ciidamada cirka Kenya  ka geysteen degaankaasi ayaa  gaareysa  illaa 12 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 27 kale.

Nabaddoon Maxamuud C/llaahi  Xusseyn  (Macallinjoon)  ayaa sheegay in diyaaraduhu ay duqeyn ku dileen shan ruux oo isku qoys ah, hooyadi reerka oo uur lahayd ninkii qabay iyo laba caruura oo ay dhaleen, waxaana qoyskaasi ka bad baaday sida uu sheegay nabaddoonku  gabar kaliya,sidoo kale nabaddoonka ayaa xusay in qoys kale oo ka mid ah qoysaskii ku noolaa Hoosungoow ay ku baa,ba,een duqeyntaasi ay geysteen diyaaradaha dagaalka ciidamada Kenya, kadib  markii hooyada qoyskaasi oo xaamila ahayd iyo ilma yar oo ay dhabta ku haysay ay ku dhinteen duqeynta ,iyadoona sidoo  kale laba kale oo kamid ahi qoyka ay ku dhinteen duqeyntaasi,dadka ku dhaawacmay duqeymahaasi ayaa loola cararary goobaha caafimaadka eek u kala yaala magaalooyinka kismaayo iyo Dhoobleey oo labaduba ka mid ah magalooyinka gobolka Jubbada hoose.

“Waxa dhintay iyo waxa dhaawaca ahiba waan  shacabkeena waana u sheegnay dawladda Kenya iyo tan Soomaaliaya labadaba, qasaaraha gaaray shacabkena waa uu badan yahay  aad ayaanan uga xunnahay in malin waliba  nalagu dul dagaallamo isla mar ahaantaana diyaarado lagu duqeeyo dadkeena iyo dalkeena”sidaana waxaa yiri Nabaddoon Maxamuud C/llaahi  Xusseyn Macallin Joon  oo kamid ah Nabaddoonada degaanka Hoosungoow eegobolka Jubbada hoose  isagoona intaasi ku daray in xaaladda dadka degaankau ay tahay mid cabsi iyo argagax ay hareysay, waxana uu ugu  dambayntii uu baaq u diray dhinacyada ku dagaalamaya Hoosungoow  isagoona  ka codsaday in ay xaq dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah ee aan iyagu ku lugta lahayn dagaalada.

MG/AA

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS