Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Hay'addo samafal oo ka walaacsan barakac ka dhalan kara dagaal lagu qaado wadada Afgooye

Afgooye 26 Mar, 2012

Tan iyo markii ay dhawaan ciidamada AMISOM shaaca ka qaadeen inay howlgaladooda ku ballaarinayaan wadadda Afgooye oo ay deganyihiin kumanaan barakacayaal ah ayaa waxaa isa soo taraya walaaca arrintaas ay ka muujiyinayaan qaar kamid ah hay’addaha samafalka ee ka howlgala deegaanadaas, kuwaa oo tallaabadaasi ku tilmaamay in ay sababi karto barakac iyo khasaare xoog leh.

Dadka rayidka ah ee ku nool goobahaas ayaa waxa ay ka cabsi qabaan weerar xili kasta ay qaadi karaan AMISOM, inkasta oo aysan AMISOM  sheegin xiliga ay howlgalkaasi qaadi doonto. Khasaare ka dhasha dagaal halkaa ka dhici kara ayaa waxa uu ku yaraan karaa haddii Alshabaab ay dib uga gurtaan goobahaas.

Hay’addaha samafalka ayaa waxa ay ka walaacsanyihiin in haddii dagaal uu halkaa ka dhaca ay taasi sababi karto oo kaliyah barakaca oo sii ballaarta.

Barakacayaal tiradooda lagu qiyaasay  184,000 oo horaan uga barakacay colaadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku noolyihiin xeryo ciriiri ah oo ku yaalla wadada Afgooye. QM waxa ay isku dayaysaa sidii ay wax uga qaban lahayd xaalada adag ee ka taagan goobaha ay deganyihiin barakacayaasha.

Roobabka Guga ee la filayo inay bilawdaan bisha April ee nagu soo aadan ayaa waxa ay ka dhigayaan in agabka sida guryaha, iyo nadaafada guryaha wax laga qabto si loo yareeyo halis ka dhalan karta shuban dilaaca.

Radio Ergo/MG

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS