Dhadhaab 22 Mar, 2012
Dadka qaxootiga ah, iyo masuuliyiinta xeryaha qaxootiga ayaa walaac xoogan ka muujiyay amaandaro ka taagan xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab kadib markii dhacdooyin lagu dilay dad rayid ah ay xeradaas ka dhaceen.
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay xeradaas bishaan gudaheedam halka labo kalena dhaawac loogu gaystay, kadib markii kooxo hubaysan ay toogasho ugu gaysteen goobo kala gadisan.Dhacdooyinkan ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay dadka ku nool guud ahaan xeryaha deegaanka Dhadaab ee gobalka waqooyi bari Kenya.
Isniino Cali Raagge oo ah guddoomiyaha xerada Ifo ee ay dhacdooyinkaasi ka dhaceen ayaa sheegtay in amaanka uu faraha ka sii baxayo, iyadoo codsatay in wax laga qabto.
Guddoomiyaha ayaa sheegtay in dadka xeradaas ku nool waxana dadka ifo ay bilaabeen inay goobaha ganacsiga iyo meheradaha albaabada ul aabaan marka lagaaro afarta galabnimo maalin kasta, tanoo ay sheegtay inay hoos u dhac ku keentay ganacsiga iyo nolosha xeradaas.
Dhacdadii ugu dambaysay ayaa waxaa xerada Ifo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cadoow Maxamed. Wiilkaasi ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ardaydii sanadkii tagay dhamaysatay waxbarashada dugsiga sare.
Isniino Cali Raagge ayaa waxa ay intaasi ku dartay in aysan garanaynin sababta loo beegsanaayo dadka rayid ah, mana jiraan bay tiri cid loo qabtay oo lala xiriirinayo arimahan dhacaya.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in si iskood ah ay u bilaabeen inay galaan xaafadaha iyo goobaha dadku ku badanyihiin si ay uga wacyigeliyaan inay soo sheegeen dadka carqaladeynaya amniga.
Xeryaha Dhadhaab ee waqooyiga bariga Kenya ayaa waxaa ku jira inkabadan 500,000 oo qaxooti Soomaali ah, kuwaa oo ka soo qaxay colaadaha iyo duruufaha kale ee nolosha ee ka taagan Soomaaliya. Waxaana jirtay amaandaro sii korortay oo xeryahaasi ku baahaysay tan iyo markii ay ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaali ah ay guluf colaadeed ku qaadeen Alshabaab.
Farhan Hassan Nuur lafoole/ MG/FM