Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Labo ruux oo rayid ah oo lagu dilay xerada qaxootiga Ifo

Goob biyaha laga dhaansado oo ku taalla xerada Ifo(Axmed Xaaji/wariye madax banaan)

Dhadhaab 14 Mar, 2012

Goobjoogayaal ku sugan xerada Ifo ee deegaanka dhadhaab, gobolka Woqooyi bari Kenya, ayaa sheegay in 2 qof  ay ku dhinteen mid kalena uu dhaawac halis ah ka soo gaaray rasaas ay koox hubeysan ay rasaas ku fureen goob lagu caweeyo oo ku taalla xeradaasi.

Qofka dhaawaca uu soo gaaray ayaa lagu dabiibayaa xarun caafimaad oo ku taalla xerada Ifo, iyadoo xaaladdiisa caafimaadna la sheegay inay aad u liidato "Aad ayay u culustahay xaaladda ninka dhaawacu soo gaaray, wuxuu ku jiraa koomo, ma lahan wax miyir ah, dadkuna dhammaan aad ayay uga walwalsan yihiin xaaladda ninkaasi dhalinyarada ah" sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegay  Aadan Xasan Cabdi oo ka tirsan dhalinyarada ku nool xeradaasi. 

Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada ku dhimatay halkaasi  iyo midka dhaawacmayba ay xilligaasi ku jireen goob lagu cawaynayay oo ku taalla xerada qaxootiga  Ifo ee deegaanka Dhadhaab.

Sida uu noogu warramay Aadan Xasan Cabdi, waxaa jira warwar sii xoogeysanaya oo ah in dhacdooyinka noocan ah ay galaafan karaan nolosha dad badan..

illaa iyo hadda ma jiraan cid loo qabtay dhacdadaasi, iyadoo la sheegay in  kooxihii ka dambeeyay falkaasi ay ka baxsadeen goobta, ma  ahan markii ugu horreysay ee ay  kooxo hubeysan falal ay ku dhibaataynayaan shacabka ka geystaan xeradaasi.  Bishii january ee isla sanadkaan ayay ahayd, markii sidan oo kale kooxo hubaysan ay nin ka mid ah dadka deegaanka ku dileen halkaasi, sidoo kale kooxo  kale ayaa iyaguna toorreey ku dhaawacay wiil dhallinyaro ah xilli habeennimo ah isagoo dhex marayay gudaha xeradaasi.

Si kastaba  ha ahatee xerada Ifo, ayaa waxay ka mid tahay xerooyinka qaxootiga ay ku jiraan ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab, waxaana ku jira qaxooti ka kala yimid waddamada Soomaaliya,S udan iyo qeybo  ka mid ah isla waddanka Kenya, waxaana falalkaani isdaba joogga ah ee ka dhacaya xeradaasi ay walaac xooggan ku abuureen dadka ku nool gudaha xerada.

Abdisamad Abdulkadir Farah/MG/FM

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS