Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Sarrifka doollarka oo isbeddel ku keenay nolosha qoysas badan

Muqdisho 13 Mar, 2012

Shacabka Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa markale wajahaya cadaadis adag oo kaga imaanaya jahwareer ka dhashay qiima dhaca ku yimid sarrifka lacagta qalaad, gaar ahaan doollarka mareykanka oo si weyn Soomaaliya looga isticmaalo

Waxaana toddobaadkan mar qura laga war helay iyadoo in ka badan boqolkiiba labaatan iyo shan uu hoos u dhacay qiimaha shilin Soomaaliga, ee lagu beddesho lacagta doollarka. 

Tusaale ahaan labo malyan iyo shan boqol oo kun oo shilinka  soomaaliga, ayaa bilihii dambe lagu sarrifayay  boqolka doollar ee mareykanka, halka isbeddelka degdegga ee hadda dhacayna lagu kala sarrifanayo boqol dollar in ka yar labo malyan oo shilinka soomaaliga ah.

Haddaba si arrintan aan wax badan uga ogaado, ayaan u kuurgalay suuqyada sarrifka ee Muqdisho waxaana ugu horreyn aan la kulmay oo arrinta jahwareerka sarrifka wax ka weydiiyay qaar ka mid ah sarriflayaasha  ‘Haa walaal, sarrifka waa is beddelay hoos buu u dhacay wallaahi, annaga mas`uul kama  nihin oo dhibaatada waqtigaa keenay, annaga shacabka kama soo horjeedno oo  maxukunno sarrifka hadduu kacaayo iyo haddii kale.” Ayuu yiri mid ka mid ah sarriflayaasha.

Shacabka gaar ahaan kuwooda danyarta ah ee ay saameynta dhibaatadan sida gaarka ah u taabaneysa, ayaa aaminsan in arrintani ay ganacsatada ku lug leeyihiin maaddama aanu jirin isbeddel ku imaanaya qiimaha cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka isticmaalaan. Haddaba haween ka mid ah danyarta Muqdisho oo aan suuqa sarrifka kula kulmay ayaa ii ka sheekeynaya  dhibaatada ay arrintani ku qabaan “Wallaahi arrintani dhib waaye, ganacsatada mar walba sedan ayay ina yeelaan, annaga ayay lid nagu yihiin, mo ogi waxii ay ula jeedaan.”

Haweeney kale ayaa iyadana waxay leedahay “Saameyn weyn ayay nagu leedahay, maxaa yeelay lacagtii wax ma tareyso, wax yar ayaa lagugu sarrifayaa, haddana raashinkii ayaa qaali ah.”

Sayid-Cali Yuusuf Xasan, waxa uu ka mid yahay ganacsatada iibisa cuntooyinka daruuriga ah, wuxuuna sheegay in iyaga ganacsatada raashinka iibisa ahaan, aanay hoos u dhac iyo qiimo korar midkoodna ku ridi Karin sarrifka doollarka, oo aanay  raashinka raqiisin karin maaddaama aanu jirin sabab hoos loogu rido iyo sarrifka oon lahayn salfadhiya iyo meel loogu hagaago, welina  uu ku jiro xaalad sabbeyn ah.

“horta annaga ganacsatadeenna, awood maba u lihinba wax raqiisin iyo wax qaaliyeyn intaba,  annaga raashiinkan badeecada ayaan iibinnaa haddana annaga ayaaba yaabban  maxaynu yeelnaa.”

Dr. Cabdiraxmaan Daqarre,  wuxuu ka midyahay waxgaradka Muqdisho wuxuuna sheegay in arrintani ay leedahay sababo badan, laakiin aanu jirin dhinac isku dayaya in uu xalliyo, si dhibaatada looga badbaadiyo shacabka.

Ku dhowaad muddo 5 bolood ah, ayaa ka soo wareegatay markii sidan oo kale sarrifka doollarka loogu jahwareeray, xilligaasi oo $100 lagu kala sarrifanayay soddon iyo laba kun oo shilnka soomaaliga, balse ugu dambeyntii sarriflayaasha ayaa ku gooyay in $100 in lagu sarrifo  labo malyan iyo shan boqol oo kun, haddana  wuxuu hoos uga dhacay in ka badan  shan boqol oo kun,  taasi oo micnaheedu yahay in ku dhowaad kalabar uu hoos u dhacay sarrifka doollarka halkii uu 6 bil kahor ahaa, mana jiro isbeddel ku yimid  qiimaha cuntada iyo waxyaabaha kale mana muuqdo dhinac isku xilsaaraya wax ka qabashadeeda, dhibaataduna waxay u gaartahay danyarta oo hadda qalbiga ka ooyaya.

Yusuf Keynaan/MG/FM

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS