Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Halkudhigga 8da Maarso waa “In la horumariyo nolosha haweenka miyiga ku nool, lana dhammeeyo gaajada iyo saboolnimada haysata”

Nairobi 08 Mar, 2012

Maanta oo ah 8da Maarso, waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay haweenka, waxaana meelo kala duwan oo caalamka ah laga xusayaa maalintaan, iyadoo sanad walba caalamka oo dhan lagu qabtaa munaasabado iyo fantasiyo lagu weynaynayo maalintaan.

8da Maarso waxaa markii ugu horreysay loo dabaal degay bishii March 8-deedii sanadii 1911-kii. Qaramada Midoobeyna waxay qaraar ku meel marisay in maalintan loo asteeyo maalinta caalamiga ah oo daaho looga rogo xuquuqda haweenka iyo nabadda sanadkii 1975-tii, taariikhiyan maalintan waxaa siyaabo kala duwan loogu dabaaldegaa dhaqamo kala geddisan, iyadoo haweenka guulaha gaarayna lagu maamuuso waxay qabteen, iyadoo aan loo eegin koox, waddan, qabiil, luqad, dhaqan, dhaqaale amaba siyaasad ay ka tirsantahay. Halkudhigga sanadkan waxaa QM ay u asteysay inuu noqdo (Tayo gelinta dumarka ku nool goobaha miyiga ah iyo dhammaynta gaajada iyo saboolnimada haysata.)

Sidoo kalen waxaa looga hadlaa arrimaha iyo duruufaha kale ee haysta haweenka, waxaana warbixin kooban ku eegaynaa xaaladda haweenka Soomaaliyeed dhinacyada nolosha, waxbarashada, ka qeybgalka siyaasadda iyo  nabadeynta.

Dagaallada iyo duruufaha kale ee ka jira waddanka ayaa haweenka Soomaaliyeed ka dhigay kuwo ay dhan kasta ka saamaysay murugada, tacaddiyada iyo niyad jabka ka soo wajaha waxyaabaha is biirsaday ee ay ka midka yihiin dagaallada, abaaraha iyo barakaca ku habsaday, xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla gobollada kala geddisan ee waddanka badi dadka ku jiraa waa haween haysta carruur iyagu ay u yihiin Aabbe iyo hooyo, ka sokow wax la`aanta haysata ay u dheertahay nolosha adag ee ay ku sugan yihiin, waxay sidoo kale kala kulmaan xeryahaas barakaca kufsi iyo dhac xilliyada habeenkii (Riix).

Waxaa jira oo kale, haween ay duruufaha iyo xaaladaha waddanka ka jira ku jiideen inay ku dhaqaaqaan amaba ay ku biiraan kooxo dagaallama, ka dibna naftooda ku halliga falal halis ah oo xitaa u keeni kara in la dilo amaba la dhawaaco, waxaa laga yaabaa inaad in badan maqasheen rag burcad-badeed ah oo maraakiib ku qafaasha xeebaha Soomaaliya, laakiin Luul Axmed Jaamac oo 25 jir ah, waa gabar Soomaaliyeed oo burcad-badeed ah, waxayna falalka burcad badeednimada ku jirtay muddo laba sano ah iyadoo ka howl geleysay deegaanka Garacad, iyadoo markii dambe faraha kala baxday markay sheegtay in dhibaato badan ay ka soo gaartay (Riix).

Haweenkaan ku jira xeryaha barakaca, ayaa sidoo kale noloshooda ku maarreeya shaqooyin ay u qabtaan dadka deegaanka ayna kala kulmaan tacaddiyo loogu gaysto guryah ay ka shaqaynayaan, waxay sheegaan in lagula kaco kufsi, jir dil, lacagaha ay ku shaqeeyaan oo loo diido iyo in shaqooyin culays badan oo ka baxsan awooddooda lagu dirqiyo inay qabtaan.

Ka qeybgalka dumarka ee siyaasadda iyo nolosha ijtimaaciga ah ee maamullada Somaliland iyo Puntland, ayaa soo wanaagsanaysay sanadahan dambe inkastoo sidii loo baahnaa aysan ahayn, hadda waxaa soo baxaya dalabaadyo la xiriira in dumarka lagu soo kordhiyo goobaha adeegyada dowliga ah.  

Magaalada Burco, waxaa kulan dood cilmiyeed ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo UNDP looga hadlay tacaddiga haweenka loo gaysto, haweenka kulankaas ka qeybgalay ayaa dalbaday in dumarka lagu soo biiriyo bileyska iyo cadaaladda gobolka Togdheer, maaddaama ay yirahdeen dumar badan in aanay awoodin in dhibaatooyinka loo gaystay oo kufsigu uu ka midy ahay ay la wadaagaan ragga bileyka ah, kuwaasoo inta badan qarsada dhibatooyinkii loo geystay.

Waxaa hadda u muuqanaya ifafaale wanaagsan haweenka Soomaaliyeed ama kuwa adduunka, kuna saabsan sidii looga shaqayn lahaa horumarintooda iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyada ka caawin kara inay noqdaan kuwo xasilloon oo hela xanaanada ay u baahan yihiin.
 
Xooghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-Moon, ayaa maanta ku biiray saraakiil kale oo ka tirsan qaramada midoobay kuwaasoo odorosaya sidii tallaabo wax ku ool ah loogu qaadi lahaa horumarinta haweenka ku nool dhulka miyiga ah, iyadoo dunida loo jeediyey baaq ku aaddan arrintaan, “Codsigeenna ku socda bulshada adduunka ayaa ah in haweenka iyo gabdhaha ku nool baadiyaha ay helaan nolol ka wanaagsan tan ay hadda ku jiraan.” (Riix)

Hadalkaan ayey ugu tala galeen maalinta caalamiga ah ee haweenka oo halku dhigga sanadkaan looga dhigay, “Ha la horumariyo nolosha haweenka ku nool miyiga, hana la dhammeeyo gaajada iyo saboolnimada haysata.” Dhinaca kale waxay qaramada midoobay niyad sami ka muujisay kororka iyo sida fir fircoon ee haweenku ugu sii lug yeelanayaan arrimaha hadda socda oo ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga, dowlad wanaagga, siyaasadda, maamullada arrimaha bulshada iyo kuwo kale oo badan, sidoo kale waqtigaan ay gabdho badan fursad u heleen inay aadaan dugsiyada  waxbarashada.

Sidoo kale barnaamij dheer oo ku saabsan dhibaatooyinka kala duwan ee haysta haweenka Soomaaliya, waxaad ka dhegeysan kartaa barnaamijkeenna ka baxay Raadiyaha 8-da Maarso 2012.
 

MH/FM/MG

Cabdifatax Ibraahim
March 8, 2012, 10:46 pm
 
Waa run bilcaanta ku nool dhulka baadiya way dhiban yihiin, hadii cid wax loo tarayo iyagaa ku haboon
 

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS