Sanaag 06 Mar, 2012
Deegaanno iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto biyo la`aan saamayn ku yeelatay dadka xoolo dhaqatada ah.
Biyo yaraantan laga dareemayo gobolkaas, ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii ay biya yareeyeen ilihii biyaha, sida ceelasha, barkadaha iyo waraha.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Aadan Diiriye Cigaal ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto abaar taasi oo uu sheegay in dadka xoolo dhaqatada ah ay ku qasabtay inay xoolahooda ula soo guuraan goobaha ay ka heli karaan biyo.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale ka digay in haddii xaaladdu ay sidan ku sii socoto ay sababi karto inay isku dhacaan xoolo dhaqatada, oo u tartamaya kheyraadka gabaabsiga ah iyo biyaha, wuxuuna ka codsaday hay'adaha samafalka inay arrintaasi wax ka qabtaan.
Kasokow walaacaasi guddoomiyaha, ayaa waxaa jira qeylo dhaan kale oo ka imaanaysa odayaasha iyo waxgaradka oo ku aaddan biyo yaraantan.
Mudane Aadan Diiriye Cigaal, ayaa wuxuu tilmaamay inay wadaan dadaallo ay wax kaga qabanayaan dhibaatada biya la`aaneed ee ka jirta gobolka, iyagoo horey sidan oo kale ugu qeylo dhaamiyay hay`addaha samafalka.
Yaasiin Cali Ciise/MG/FM