Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Fariin: WFP oo dib u habaynaysa xarumihii quudinta Muqdisho

Dad badan ayaa ka faa`iideysta xarumaha quudinta (Keydka/Cabdisamad Cabdulqaadir/Raadiyo Ergo)

Nairobi 05 Mar, 2012

WFP waxay dib u qaabeyneysaa barnaamijkeeda quudinta iyadoo heshiiskii lala galay Golaha Qaxootiga Daanishka (DRC) ee 16ka goobood oo ay maamuleysay SAACID uu waqtigeedii dhamaaday. WFP waxay la shaqayneysaa hey’ado fulineed (lamaanayaal) cusub oo ay DRC ku jirto si ay u furaan una socodsiiyaan xarumo ku yaal 16ka degmo ee Muqdisho ka kooban tahay.

Xarumahan cusub waxaa la furi doonaa labada todobaad ee soo socda,waqtigaan WFP iyo Hey’adaha fulineed (lamaanayaasha) waxay ku jirayaan howl tababar oo la siinayo hey’adaahas (lamaanayaashaas), isla markaana waxaa la xaqiijinayaa inay goobuhu ka jiraan amni, biyo iyo adeega nadaafada ee ku filan xarumaha cusub. Inta lagu jiro  xiligan kala guurka, waxaa jiri doona xarumo sii furnaan doono. Isbedelkaan howlgaleed waxay keenayaan istaraatijiyad balaaran oo lagu bartilmaamedsanayo bulshada tabaalaysan iyo waxtarka barnaamijka quudinta.

Dhamaan barnaamijyadii kale ee WFP taageeri jirtey sidoodii bey u sii soconayaan xiligaan.

Wixii su’aalo ah fadlan waxaad nagala soo xiriirtaan telefoonka cabashada ee WFP  oo ah +254 20 720 2222, waxaa dib kuu soo wacaayo shaqaalaha WFP.

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS