DAGAALLADA

Qarax lala beegsaday garoon kubada cagta ah

Qaraxyada miinooyinka ayaa wakhtigan ah khatarta ugu weyn ee amaanka Muqdisho (Sawir: Yusuf/Radio Ergo)
Muqdisho 28/02/2012

 Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qarax nooca miinada ah oo  ka dhacay garoon lagu ciyaaro kubada cagta ah oo ku yaala xaafada Xararyaale ee degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo shalay galab dhacay ayaa waxa uu sidoo kale ka dhacay 8 kale oo dhamaantood ahaa daawadayaal ciyaarta u soo daawasho tagay xiligaas.

Ciyaarta oo ahayd tartan is dhaxgal ah ayaa waxa galab walba ku ciyaarijiray dhalinyaro iskaga yimaada xaafadaha gobiolka Bnaaadir waxaana ciyaartan ay hayd mid kama dambays ah oo uu yaalay koob loogu talagay ciddii badiso.

Mid kamida ciyaartoyda kusugnaa gudaha garoonka xilliga mashaqada dhacaysay ayaa radio Ergo u sheegay

“Waxa aan kusugnaa garoonka waxaa laciyaaray ciyaar fiinaala ah waxa dhacay qarac miino oo aad u xooganaa waxa aan kujiray gudaha garoonka waxaan mar qura arkay dad dhaawacyo qabo waxaa geeroyooday hal ruux waxaana dhaawacmay 8 kale” sidaasi waxaa yiri mid kamida ciyaartoyda kusugnaa gudaha garoonka.

Ma,ahan markii ugu horeesay oo qarax uu kadhaco goob ay ku suganyihiin dadka rayadka ah, waxaana bilahan dambe soo badanayay halista goobaha dadka isugu yimaadaan.
 
Abdulkadir Mohamed Abdulle/ MG

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE