Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Haweenka wata carruurta oo lagu faquuqo gaadiidka

Baledweyne 22 Feb, 2012

Dagaallada, abaaraha, isbadeldada deegaanka, iyo shaqada ama nolol raadsi ayaa ku qasbay in qoysas badan oo Soomaali ah ay guur guuraan, iyagoo nolol iyo nabadgelyo raadsi ah. Soomaalida ayaa si ahaanba waxaa lagu sifeeyaa dad guur guura oo hadba meesha ay noloshooda kala soo bixi karaan u guura.

Magaalada Baledweyne iyo qeybo badan oo ka mid ah dalka, ayaa waxaad arkaysaa xilli kasta dad  ku mashquulsan inay guuraan, iyagoo la safraya  carruurta laakiinse in dhawaalaba waxaa isa soo tarayay in qoysaska ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta ay kala kulmaan gaadiidlayda faquuq iyo in loo diido in laga kireeyo gaadiidka la raaco.

Xaliimo Axmed Xaashi, waa hooyo haysata 3 carruur ah, waxayna ku  nooshahay magaalada Beledweyne, dhibaato faquuq ah ayay kala kulantay gaadiidlayda dhawaan, sababtoo ah waxa ay wadatay carruur yar yar. 

 “Waxaan degganaa Beledweyne, odaygaygii ayaa shaqo ka helay Gaalkacayo,  markaan imaado goobta gaadiidka laga raaco ayna arkaan kuwa kireeyaa carruurta waxay igu  oranayaan kuma qaadayno,” ayay tiri hooyo Xaliimo.
 
Haweenaydan ayaa sheegtay in dhibaatadaasi ay uga timaadday darawallada gaadiidka  iyo dadka kireeya ee dillaaliilinta ah. Waxaana ay sheegtay in lagu wargeliyay in in aysan qaadaynin haween iyo carruur, iyagoo ku doodaya inay qaadaan dadka xoogga leh ayna jecel yihiin inay iyaga qaadaan.

“Dadka safar doonka ahi markay yimaadaan goobaha gaadiidka laga raaco, waxaa ugu soo hor mara dadkaas oo waydiiya goobtay u socdaan waa dadka la yiraahdo kaariga, marka waa sidee kuwaasi hab dhaqankoodu,” ayay tiri hooyo  Xaliimo Axmed Xaashi

Iyadoo ay isa soo tarayeen dadka la mid ah haweenaydan ee ka cabanaya faquuqa ayaa waxaan arrimahaas wax ka waydiinay Cabdi Daahir Santuur oo ka mid ah dadka kireeya gaadiidka.

“Runtii annaga waxaan ku rarnaa gaadiika amarka darawalka iyo ninka iska leh, wuxuuna na faraa gaariga ha naga saarina dadka ilmaha wata, kuwa alaabta culus wata, annaga waxaan eeganaa shaqadeenna iyo wax quutul yoomkeenna aan heli karno”

Cabdi Xasan oo ka mid ah darawallada magaalada Baledweyne, ayaa ku dooday inay adagtahay inay qaadaan masuuliyadda haweenka iyo carrurta gaadiidkooda saaran, taasina ay uga fududahay inay qaadaan ragga ama dadka xoogga leh.

“Ma qaadno dadka carruurta wata, waayo markaan qaadno dadkaas dhibaato badan ayaan kala kulannaa, way matagayaan, way saxaroonayaan ,way ooynayaan marka haddii uu gaarigu jabo xitaa waa dhibaato, waddo fiican ma jirto annagoo in badan ku sii guda jirna safarrada  biyo la’`an ayaa dhacda, gaadiidka la isticmaalana waa kuwo duqoobay, tusaale ahaan gaarigu Xamar oo kale ayuu ka soo baxayaa , haddii aad wadid carruur si orod ah uma socon kartid waayo way dhibsanayaan.”


Inkastoo darawalladu ay ku doodayaan dhibaato kaga imaan karta haweenka iyo carruurta, haddana Haweenka iyo carruurta oo sida bani`aadamka kale u baahan inay safraan ayaa arrintaasi u dareensan inay tahay takoor bulshada dhexdeeda ka jira, waxayna sheegayaan in haweenka iyo carruurta ay ka mudan yihiin ixtiraan dheeraad ah, loona baahanyahay in laga tixgeliyo adeegga bulshada.

“Qofkii jilicsan waa loo naxariistaa sida ay qabto diinteenna” ayay tiri Xaliimo Axmed Xaashi.

Ugu dambeyn haweenaydan iyo qaar kale oo badan, ayaa ka codsaday darawallada inay fahmaan dhibaatada haysata, ayna tixgeliyaan haweenka iyo carruurta.

Cabdullaahi Salaad/MH/MG/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS