Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku xir xiran dalka Liibiya

Nairobi 09 Feb, 2012Dalka Liibiya oo muddooyinkii dambe ay gaarayeen Soomaali fara badan oo doonaya inay uga sii gudbaan dalka Talyaaniga, ayaa waxay Soomaalidaasi ka cabanayaan mas`uuliyiinta Liibiya oo xir xira qaarkoodna ku haya xabsi ku meel gaar ah oo aysan ka bixi Karin.

Magaalada Benghazi ee ku taalla Koofurta Liibiya, waxaa ku yaalla goobaha Soomaalidan lagu xirxiro. Wariye Cabdiraxmaan Maxamed oo ku sugan magaalada Tripoli ee caasimadda ah, ayaa ku soo warramaya in tirade Soomaalida muhaajiriinta ah ee xiran ay gaarayaan illaa shan boqol oo qof waxaana lagu qabtay markii ay ka soo galeen magaalada xadka dalkaasi ku taalla ee Kubra, magaaladaasoo ay ku xirnaayeen muddo saddex bilood ah iyagoo ka dibna lagu soo wareejiyay caasimadda labaad ee dalka Liibiya, Benghazi.

Xilligan oo dalkaasi Liibiya uu galay xilliga qaboobaha, ayaa waxay muhaajiriinta Soomaaliyeed qaarkood naftooda ku biimeeyaan badda si ay ugu tallaabaan dalka Talyaaniga ee qaaradda Yurub.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya, Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in Soomaalida la xir xiray lagu hayo xerooyin si naftooda looga badbaadiyo inay badda ku halligaan.

Dhowaan ayay ahayd markii doon sidday tahriibayaal Soomaaliyeed oo ka baxday dalkaasi ay ku kharaqmatay gudaha badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasoo ay ku dhinteen dhammaan dadkii doonida saarnaa.

MG/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS