Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Bisha Cas ee Qadar oo dib u dejin u samaysay 1,500 oo barakacayaal ah

Muqdisho 07 Feb, 2012

Hay’ada Bisha Cas ee wadanka Qatar oo magaalada Muqdisho ka howlgalaysay tan iyo markii ay Soomaaliya ay ka dilaacday  xaalada macluusha sanadii 2011 ayaa waxa ay bilaawday in dadkii Muqdisho ugu soo barakacay abaarihii dartood ay dib ugu celiso goboladdii ay ka yimaadeen

waxaana hay’ada Bisha Cas ee dalka Qatar ay haatan sheegtay in ay dib u dajin u samaynayso in ka badan 1, 500 oo qoys oo lagu celinayo qaar kamid ah goboladda Koonfureed ee dalkan Soomaaliya

Maalintii shalay ahayd ayaa waxa magaalada Muqdisho laga daabulay ilaa iyo 600 oo qoys oo kasoo barakacay goboladda Baay iyo Sh,hoose kuwaasi oo lagu qaadayay gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah waxaana dadka la celinayay la siinayay lacago ay gaadiidka kusii raacaan iyo sidoo kale raashin noocyo kala duwan oo ay ku noolaanayaan ilaa iyo 2 bilood,

Cabdifataax Aadan Macalin  oo ah xiriiriyaha dib u dajinta ee hay’ada Bisha Cas Qatar oo aan kula kulmay goobta dadkan gaadiidka laga saarayay ayaa iiga warbixiyay sida ay ugu fududaatay dib u celinta dadkan horey ugu soo barakacay abaarihii ka dilaacay gobolada koonfureed ee dalkan Soomaaliya,

“ waxa inoo suuragashay maanta inaan dib u dajin u samayno dadkii abaaraha kasoo barakacay waxaana barnaamijkan uu yahay mid aan horey u bilaawnay maantana waxa aan qaadaynaa ilaa iyo 600 oo qoys oo aan ku celinayno goobihii ay ka yimaadeen” ayuu yiri Cabdifataax Aadan Macalin  oo ah xiriiriyaha dib u dajinta ee hay’ada Bisha Cas Qatar.

Intaa kadib waxa aan la kulmay qoysaskii dib loogu celinayay Goboladda Baay iyo Sh.hoose waxa ayna ii sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay hore ugu soo carareen iyagoona tilmaamay in aysan jirin cid ku cadaadisay in ay dib u laabtaan oo uu yahay go’aan ay qaateen iyaga.


“ waxaan kasoo barakacay Daafeed 5 bilood ayaan Muqdisho joogay manajiraan dhibaatooyin waaweyn oo aan la kulmay waana ku faraxsanahay In aan dib u laabto” ayay tiri Gano Cabdulahi oo kamid ahayd dadkii dib loo celinayay.

Hay’ada Bisha Cas ee dalka Qatar ayaa maalmo kahor waxa ay dhowr boqol oo qoys dib ugu celisay Gobolo kale oo katirsan Koonfurta Soomaaliya waxaana ay sheegtay in ay qorsheynayso in ay sii wado howshan tan iyo inta dadka kasoo barakacay abaaraha ay ku sugan yihiin Muqdisho una baahan yihiin in ay dib u laabtaan.


Yuusuf Keynaan/MG/FM

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS