WARARKA

UNOCHA oo ka walaacsan shaqo joojintii ICRC

16 hay'addood ayaa horay looga mamnuucay Soomaaliya(Xigasho/UN)
Nairobi 01/02/2012

Xafiiska QM ee isku xirka gargaarka aadanimo ee magaciisa loo soo gaabiyo UNOCHA ayaa warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray waxa ku muujiyay sida uu uga xunyahay mamnuucistii hay’adda ICRCda laga horjoogsaday qeybinta cuntada waxyaabaha kale ee aad aasiga ah ee ay ka qeybinaysay koonfurta Soomaaliya.

Tan iyo dhawrkii bilood ee la soo dhaafay  hay’adda ICRC ayaa waxa ay cunto u qeybisay inkabadan  1 million oo Soomaali ah kuwaa oo ay noloshoodu halis ku jirtay. Tanoo ay hay’adda OCHA ku waramayso in halisgelinayso nolosha soomaali badan oo sabool ah. OCHA waxa ay sidoo kale sheegay in xaaladan ay sidoo kale tiro badan oo dad ah ay ku riixi karto in ay dib ugu laabtaan heerkii macaluusha.

OCHA waxa ay ka codsatay dhamaan dhinacyada Soomaaliya inay ogollaadaan in gargaarku uu gaaro dadka u baahan, wax kasta oo ay yihiinba.

Al-shabaab ayaa shaqadii ka joojisay ICRC kagadaal markii ay ku eedeysay in raashinka ay bixiyaan uu 70% yahay mid aan la cuni karin.

Hay'adda ICRC ayaa waxay ka mid ahayd labo hay'adood oo caalami ah oo ka howl galayay  goobaha ay maamusho  Al-shabaab, waxaana shaqo joojinta Alshabaab ay daba socotaa  kaddib markii ay horay uga mamnuucday deegaannada xukuntu 16-hay'adood oo badi ay ahaayeen kuwa QM.

Maxamed Gaarane

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo

Qodobbo dheeri ah

HOY
WARARKA
BARNAAMIJYADA
QODOBBO
MUUQAAL
SAWIRRO
WARAYSIYO
KAYDKA
ANNAGA
NAGALA SOO XIRIIR
BARNAAMIJYADHII HORE