Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Cansaanyada badda oo fara badan oo bakhtiday kuna soo caaridey Berbera

Noolaha badda ayaa badnaa lagu arkaa xeebaha iyagoo soo caaryey (Sawir: Yasin/Radio Ergo)

Waqooyigalbeed 28 Jan, 2012

Iyada oo meelo kala duwan oo xeebaha Somalia lagu arko arimo  layaab leh sida kalluuun bakhtiyey ama waxyaalo ayaa waxa maalmahan dadka ku dhaqan magaalada Berbera la fajaceen xayawaanka casaanyada badda oo bakhtigiisu istuurey xeebta magaalada Berbera, arrintana ayaa keentay in la’is waydiiyo waxyaabaha sababay in xayawaanka intaas tiradiisu le’egtahay ay berriga ku soo dhacaan iyaga oo bakhti ah.

Hadaba dadka ka faalooda arimaha baddaha ayaa sheegaya in ay tani atahay labo arrimood mid:
1. Qabow adaran oo badda gunteeda hoose ka jira oo sababey in noolahaasi u adkeysan waayo .
2. Walxo sun ah oo badda lagu shubay oo keenay in noolahaasi u dhinaty.

Dadka intooda badan waxay tilmaamayaan in sababtu tahay walxo sun ah oo ku daatay , ma aha markii ugu horeysay oo xeebaha Soomaliya ay ka dhacaan arrimo noocaas oo kale, tobaakii tegey ayaa kalluun lagu qiyaasay 3 ton wuxuu ku soo caaryey xeebta magaalada Boosaaso (Riix), iyadoo weli war sugan aan laga hayn sababta rasmiga ah ee keentay arintaas, caasaanyada ayaan horay loogu arkin xeebaha iyadoo bakhti ah.

Marka laga eego arrintani waxa ay keeni kartaa saameyn xoogan oo dhinaca nadaafada deegaanka , waxana suuragal ah in xanuuno  ay ka dhashaan, sida muuqatada waxa ay dad aan la sheekeystay ii sheegeen in urka noolahaas bakhtiyey ku faafay bed aad u balaadhan xeebta magaalada ber-bera.


Yasin ali isse/MH

 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS