Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Isbitaalka Doolow oo ay soo wajahday daawo la`aan

Gedo 19 Jan, 2012

Saraakiisha  dhinaca caafimaadka ee degmada Doolow gobolka Gedo ayaa sheegay inay gabaabsi ka noqotay daawadii uu haystay cisbitaalka degmadaasi, oo aysana jirin waqtigaan cid gaar ah oo ay ka sugayaan, taasoo sida uu Raadiyo Ergo  u sheegay maamulka cisbitaalka  laga yaabo iney ka dhalato xaalad adag oo ay wanaagsanaan lahayd in laga hortago.

Cudurro deegaanka ka dillaacay iyo kuwo horay uga jiray oo ay ka mid yihiin Shubanka, Duumada, Nafaqa darrada,  xanuunada haweenka ku dhaca iyo qaar kale ayaa lagu soo warramayaa iney qalqal gelin karaan caafimaadka bulshada ku nool degmada Doolow iyo nawaaxigeeda, sababtuna waxa tahay daawada cisbitaalku hadda haysto oo gabaabsi ah ay keeneyso in joogsadaan hawlaha  caafimaad, kumannaan qof oo ay xaalado caafimaad darro haysatana ay halkaasi khatar ku gasho noloshooda.

Maamulaha cisbitaalka guud ee magaalada Doolow Cabdirisaaq Cali Muxumad oo loo yaqaan (Afareey) ayaa Raadio Ergo u sheegay in cisbitaalku aanu ku ekeen oo kaliya daweeynta dadka deegaanka ee sidoo kale ay daboolaan baahida caafimaad ee kumannaan dad ku soo barakacay degmada iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo ay haddaba saameysay  buu yiri  dawa yarida ina soo wajahday".

"Baahida meesha ka jirta waa baahi daawo yari ah, siiba dawooyinka Duumada, kuwa Qallajiyaha ah iyo kuwa fuuq celinta ayaa aad ugu yar deegaanka, sida aad ogtahayna degmada waxaa ku soo qaxay dad aad u fara badan, innaguna waxaan ugu badnaan daaweyn karnaa 40%, marka xitaa shalay gabar foolaneysay oo dhiig baxaysay wax waan u qaban weynay oo waxaan u dirnay Buulo-Xaawo.  Xaaladdu aad bey u adag tahay," ayuu yiri maamulaha cisbitlaaka Doolow.

"Waxaa iman karta iney dad badan dhammaadaan waliba hooyooyinka uurka leh iyo ilmaha shanta sano ka yar oo iyagu u nugul cudurrada, maaddaama cid baahidooda dabooli karta aysan hadda ka jirin deegaanka oo haddaba wey dhacday in kastoo aaney saa`id ahayn, laakiin weyba iska iman haddii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto, hase ahaatee waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo wax inoo qaban karta iney soo gargaaraan dadka meeshaan ku baaba`aya ee ay cudurdadu dilanayaan" ayuu yiri mar akle yiri Cabdirisaaq.

Ma aha cisbitaalka Doolow oo kaliya xarumaha caafimaad ee la daalaa dhacaya la tacaalidda bukaannada gobolka, sidoo kale waxaa jirta in iyana goobo caafimaad oo fara badan oo ku yaalla Gedo ay saaran yihiin culeysyo la xiriira dawo yari, kuwaasoo aan si rasmi ah ku kaafin karin baahiyaha caafimaad ee ka jira gobolka, hase ahaatee inta badan goobaha sida bilaashka ah loogu dabiibo dadweynaha ayaa laga helaa oo kaliya daweynta cudurrada inta badan haleela bulshada, sida Duumada, Nafaqa darrida, Shubanka iyo qaar kale.
 

Nuur Cali Faarax/FM/MH
 

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS