Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Biyo dhaamin loo sameeyay dadka deegaanka Holhol ee degmada Boorama

Dadka oo ka faa`iideysanaya biyo dhaaminta loo sameeyay(Sawir: Yaasiin Cali Ciise Raadiyo Ergo)

Awdal 09 Jan, 2012Dadka ku nool deegaanka Holhol oo ka tirsan degmada Boorama ee gobolka Awdal ayaa haatan waxaa ka degya culeys dhanka biyo la`aanta ah, kadib markii loo sameeyay biyo dhaamin ay ka faa`iideysteen.

In muddo ahba biyo la`aan aad u daran ayaa ka jirtay deegaankaasi Holhol, waxaana sabab u ahaa roobab yaraan iyo warihii ay dadku biyaha ka cabi jireen oo guray.

Haddaba ururka horumarinta ee ADECO ayaa biyo dhaamin ka
sameeyay deegaanka Xaaslayda ee tuulada Holhol, waxaana deeqdaan la gaarsiiyay in ka badan 300 oo qoys waxaana ka wakiil ahaa guddoomiyaha
ururkan ee gobolka Awdal Cumar Ileeye Jimcaale.

Mudane Cumar Ileeye ayaa sheegay in biyo dhaamintan ay sameeyeen kadib markii ay arkeen baahida weyn ee loo qabo.

Sidoo kale dadkii biyo dhaamintan ka faa`iideystay ayaa u mahad celiyay samafalayaashii howshan fuliyay, iyagoo sheegay inay si aad ah ugu dhibbanaayeen helista biyaha.

Biyo la`aanta noocan oo kale ah waa mid saamayn xooggan ku yeelata dadka
xoola dhaqatada ah iyo dadka wax hayntoodu ay hoosayso, oo iyagu aan awood
u lahayn in ay ka gudbaan dhibaatadaasi.

Haddaba iyadoo arrintu ay sidaas tahay, ayaa waxa taas barbar socota
dhibaato kale oo ah in nadaafad xumada iyo faya-dhowr la`aanta biyuhu ay kaalin mug
leh ka ciyaaraan inay fidaan xanuunno khatar ah oo bulshada waxyeello
badan u gaysan kara.

Yaasiin Cali Ciise/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF