Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Ciidamada Kenya oo raashiin u qeybiyay qoysas ku nool Buurgaabo.

Jubbada Hoose 05 Jan, 2012

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Jaziiradda Buurgaabo ee koonfurta gobbolka Jubbada Hoose, ciidamada Kenya ee halkaasi ku suggan ayaa raashiin u qeybiyay qoysas danyar ah oo deegaankaasi ku nool kuwaasoo kamid ahaa qoysaskii xoolahoodii ay dhaafisay abaartii dalka kuwada dhufatay.

Raashinkaan ay saraakiisha ciidamada Kenya ay ka qeybiyeen Jaziiradda Buurgaabo ayaa waxaa uu ka koobanyahay Bariis, Sokor, Galley iyo Saliid, ayadoo ay jiraan adeegyo kale oo dhanka caafimaadka ah oo ay ciidamada Kenya ay u qeybiyeen dadka deegaanka Buurgaabo, sida uu Raadiyaha Ergo u sheegay Ibraahim Hafow Cali oo kamid ah Odayaasha Buurgaabo.

Dadka ku nool Jaziiradda Buurgaabo oo u badan dadkii xoolahoodii ay galaafatay abaartii darneyd ee dalka ku dhufatay ayaa si weyn u soo dhaweeyay deeqdaan ciidamada Kenya ay u qeybiyeen.
 
Tallaabadani ayaa noqoneysa tii ugu horraysay oo ay ciidamada Kenya deeq gaarsiiyaan dad danyar ah oo daruufo nolol xumo ay haysato tani iyo markii ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya bishii October ee sanadkii tagay.

Khadar/MH/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS