Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Gaadiid sida raashiin gargaar iyo badeecooyin ganacsi oo ku xanniban inta u dhaxeysa gobollada Bay iyo Gedo

Gaadiid xamuul sida oo waddada ku xayiran(Sawir: Cabdicasiis Cabdinuur raadiyo Ergo)

14 Dec, 2011Ku dhowaad  illaa boqol baabuur oo sida raashiin gargaar ah iyo badeecooyin ganacsi oo kala duwan oo ku wajahnaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa in muddo ahba waxay ku xayiran yihiin waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Qansaxdheere iyo Baardheere, sababo la xiriira  roobabka da`ay iyo waddooyinka oo burbursan.
 
Qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka ah oo ay saaran yihiin raashiin gargaar ah ayaa loogu tala galay in la gaarsiiyo kumannaan qoysas oo barakacayaal ah oo dhowaan loo diiwaan geliyey in dib loogu celiyo deegaannandooda, iyadoo gaadiidkaasi  muddo ka badan laba biloodna  ay ku xanniban yihiin deegaanka Ufurow iyo  Caliyow Muumin oo ka wada tirsan gobolka Bay, iyadoo horraantii bishii la soo dhaafey deegaannadaasi ay ka da`een roobab mahiigaan ah.
 
Darawallada gaadiidka iyo dadka ay u kireysan yihiin gawaaridaasi oo aan kula xiriirnay qadka  telefoonka, ayaa raadiyaha Ergo waxay uga warbixiyeen dhibaatooyinka soo wajahay xilligan oo ay sheegeen in gaadiidka qaar waddadaasi ay ku jiraan illaa muddo 3 bilood ah, halka kuwo kalana ay ku jiraan dheeriga muddo labo bil ah.
 
Cabdi Xasan Ciise, oo ka mid ah darawallada gaadiidka ayaa sheegay in xilligan gaadiidka waaweyn ee xamuulka sida ay ku adag tahay inay ka gudbaan waddadaasi oo aad u burbursan, islamarkaana ay waxyeellada ka soo gaartey roobabka da`aya isagoo dhinaca kalena sheegay in baabuurta yar yar iyo kuwa fudud ay ka gudbeen .
 
Arrimahan oo idil ayaa  waxaa loo sababaynayaa waddooyinka oo burbursan  oo togag waaweyn ay ka sameysmeen iyo roobabka oo biyo xoog badan wata isla markaana xiray dhammaan waddooyinka ay maraan gaadiidka xamuulka ah, waxaana taasi ay keentay in ay hakad galaan dhaq dhaqaaaqa gaadiid badan oo ku wajahnaa degmada Baardheere iyo deegaaannada hoos yimaada
 
Hakadkaan ku yimid gaadiidka xamuulka ah ee sida raashiinka gargaarka ah iyo badeecooyinka ganacsi ee kala geddisan, ayaa keenay in qiimaha raashiinku sare u kaco, gaar ahaan sonkorta, bariiska, baastada, saliida, burka, shidaalka iyo qalabka kale ee dhismaha, iyadoo arrimahaasina ay saameyn adag oo dhinaca nolosha ah ku yeesheen kumannaan qoys oo u badan kuwo danyar ah.

Axmed Cumar Saalixi/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS