09 Dec, 2011
Xoghayaha guud ee QM Mr Baan kii-Moon, ayaa shalay gelinkii dambe kulan uu magaaladan Nairobi kula qaatay madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo wasiirka arrimaha dibadda Moses Wetangula, waxa ay kaga wada hadleen xaaladaha Soomaaliya, Suudaan iyo koonfurta Suudaan.
Xoghayaha guud ee QM, ayaa hoosta ka xarriiqay horumarka tubta nabadda ama Road Map , isagoo ku celiyay taageerada QM ee ku aaddan sidii loo adkeyn lahaa hirgelintiisa.
Mr Ban ayaa carrabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay in dowladda KMG ah ee soomaaliya ay u hiregeliso tubta Nabadda, iyadoo garab ka helaysa beesha caalamka. Mr Ban, ayaa soo dhaweeyay go`aanka ay Baarlamaanka Kenya ku meel mariyeeninay in ciidamadooda ay ku biiraan howlgalka midawga Afrika ee Soomaaliya ((AMISOM).
wuxuu tilmaamay sidoo kale sida logu baahan yahay in howlgalkaasi la gaarsiiyo awoodaha uu u baahan yahay, Xoghayaha guud ee QM ayaa hoosta ka xarriiqay sida loogu baahan yahay in horumarka dhinaca nabadgelyada ee Soomaaliya uu ahaado mid lagu taageerayo dowladda, isagoo tilmaamay in faragelinta Soomaaliya lagu sameeynayo loo baahan yahay in la waafajiyo yoolka siyaasadeed ee waddanka.
Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale ku ammaanay doorka dowladda Kenya iyo taageerada ay u fidisay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana uu soo dhoweeyay tallaabooyinka dheeraadka ah ee ammaanka xeryaha lagu sugayo.
MG/MH/FM