Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Dhibaatada ay dagaalladu ku hayaan dadka dhegoolayaasha ah

Maxamed Cabdi Cumar waa nin dhegoole ah kuna nool Muqdisho, wuxuuna ka sheekeynayaa siduu in badan uga badbaaday dagaal ay ku adagtahay inuu maqlo dhawaqa rasaasta (Sawir:Cabdisamad/Radio Ergo)

Muqdisho 09 Apr, 2012

Dadka Dhagoolayaasha ah, waxay ka mid yihiin qeybaha kala duwan ee ay bulshadu ka kooban tahay, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay soo food saartay dhibaatooyin ay sheegeen in ay la wadaagaan bulshada inteeda kale iyo dhibaatooyin kale oo ay sheegeen in iyaga ay gaar u yihiin.

Magaalada Muqdisho, waa magaalo ay ka dhacaan is ka hor imaadyo hubeysan oo u dhexeeya dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda taasoo keenta in dadka rayidka ah ay dhibaatooyin kala duwan ka soo gaaraan,dhagoolayaashu waxay qeyb ka yihiin dadka ku dhaqan Muqdisho ee ay dhibaatooyinku ka soo gaaraan dagaallada.

Maxamuud Cabdi Cumar, waa nin dhalinyaro ah oo dhegaha la`a, wuxuu ka ganacsadaa waxyaabaha ay ka mid yihiin ,saacadaha rikoodhada iwm, waxa uu Raadiyo Ergo u sheegay in dadka dhagoolayaasha ah ay ka mid yihiin qeybaha bulshada ugu nugul,gaar ahaan xilliyada ayuu yiri ay soconayaan dagaallada, Maxamuud waa nin dhalinyaro ah oo wax badan ka yaqaanna ganacsiga muddo 10 sano ahna ku soo dhex jiray sida uu ii sheegay in inkastoo aan la fahmi Karin hadalladiisa haddana inta badan waxa uu fakarkiisa ku soo bandhigayay qoraal.

“Xilliyada dagaalladu, waa mid ka mid ah waqtiyada noogu walwalka badan hadii aynu nahay dadka dhagoolayaasha ah” ayuu yiri Maxamuud. waxa uu ka warramay qiso dhab ah oo qabsatay maalin maalmaha ka mid ah, xilli uu marayay mid ka mid ah waddooyinka dhex mara magaalada Muqdisho, wuxuu yiri “Aniga oo maraya waddada dhexdeeda ayaa waxaa igu soo baxay laba nin oo sidata qoryaha nooca loo yaqaanno AK47,waxay igu amreen inaan istaago anigana ma arkayn,waxaa dhacday in ay rasaas igu fureen hase yeeshee nasiib wanaag surwaalkii aan qabay ayay rasaastii qabsatay oo ay daldaloolisay, markii intaasi dhacaday ayaa dareen i galay dib baan soo eegay mise waa laba nin oo qorya sidata,way i baarteen waxay iga furteen saacad aan qabay” maxamuud ayaa intaasi raaciyay “waxay igu garaaceen qoriga baadkiisa, iyagoo igu amray inaan hadllo waxaan u ishaaray inaanan hadli Karin isla mar ahaantaana anan maqli Karin hadalkooda oo aan ahay qof dhagaha la`, wey iiga sii dareen markii dambase Alle ayaa iga bixiyay oo waa ay iga dhaqaaqeen.”

“Ma maqli karno hugunka iyo dhawaqa rasaasta ,xilliyada ay dagaalladu soconayaan mana dareemi karno halka ay dagaalladu ka soconayaan, maxaa yeelay waxaynu nahay dad aan wax maqli Karin”, sidaa waxaaa yiri Aadan Dhagoole oo ah nin dhagoole ah oo ka shaqeeya ganacsiga jaadka kuna nool Muqdisho, waxaana uu intaasi raaciyay in dadka dhagoolayaasha ahi ay yihiin dad caadi ah oo wax waliba qaban kara, Aadan ayaa intaasi ku daray in nin ay saaxiibbo ahaayeen oo dhagool ah uu ku geriyooday dagaallada Muqdisho xilli uu ku soo dhex dhacay goob uu dagaal culusi ka socday.

Xasan Cabdi Xaaji wuxuu ku nool yahay magaalada Muqdisho, waxay wada dhasheen nin dhagoole ah isagoo sheegay in uu shaqaysto kana mid yahay ganacsatada suuqa Bakaaraha, haddaba Xasan ayaa Raadiyo Ergo uga warramay wuxuuna yiri “walaalkey wuxuu ka shaqeeyaa suuqa weyn ee Bakaaraha, wuxuu ku dhashay dhaga la`aanta, waxyaabaha ugu daran ee uu la kulmo waxaa ka mid ah xilliyada dagaallada oo uu aad u welwelo,hase yeeshee wuxuu wataa mopile-ka gacanta oo uu isticmaalo, wuxuu nugula soo xiriiraa farriinta qoraalka, isagoo inoo soo sheega hadba meeshii uu joogo,” dadka ugu firfircoon marki ay wax dhacaan waa dhagoolyaasha, wuxuu leeyahay xaas aan dhagoole ahayn iyo carruur, walaalkeey in kastoo uu yahay nin ddhagoole ah haddana waa nin feejigan oo dareen badan.”

Maxamed Aadam Macallin (Soomaali ), oo ka mid ah mas,uuliyiinta hay`adda gargaarka SADA oo ah hay`ad ka shaqaysa samafalka, Soomaali ayaa sidoo kale sheegay in aanay helin dadkaasi wax xuquuq ah “Ma jiraan tiro koob rasmi ah oo muujinaya tirada dadka dhagoolayaasha ah ee ku sugan Muqdisho iyo duleedkeeda” ayuu yiri Maxamed.

“Midda ugu daran ee haysta dadkaasi dhagoolayaasha ah, waxay tahay magaalada dagaallo ayaa ka socda waddooyinka, waxaa ka jira mararka qaar uu liif saaran yahay marka mana dareemi karaan, waxaad arkaysaa nin dhagoole ah oo ku sii socda meel xabad ka soo dhcayso ama jid liif saaranyahay”, sidaana waxaa sheegay Maxamed Soomaali, Wuxuu intaas ku daray in magaalada Muqdisho ay ka jiraan dugsiyo ka badan boqollaal kuwaasoo ay wax ka bartaan ardayda aan dhagoolaha ahayn, laakiin dugsiyadaasi aysan ku jirin dugsi kaliya oo ay wax ku bartaan dadka dhagoolayaasha ah taasoo uu sheegay in ay tahay xuquuqdoodii oo maqan, waxaana uu sheegay in hay`aduhu ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadkaasi.

 Dhinaca dhaqanka iyo nolosha:

“Nolosha iyo la dhaqanka dadka dhagoolayaasha ah, waa mid caadi ah haddii aysan ka wanaagsanayn” sidaana waxaa qaba Maxamad Ameeriko oo sheegay inuu qabo haweeney dhagool ah.

“Waxaan qabaa haweeney dhagool ah, waan ku qanacsanahay dhaqankeeda, waa qof aad u dabeecad wanaagsan, waxaan markeedii hore ka doontay reerkoodii ,runtii horey waxaan u soo guursaday haween badan waan kala tagnay ka dib markii aan is fahmi weynay, laakiin haweeneydaan aan hadda qabo waa ay ka wanaagsan tahay kuwii hore boqolkiiba boqol,waxaan u sheegi lahaa in dadku ay si wanaagsan ula macaamiloodaan dadka dhagaha la`” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Maxamad Ameeriko.

Magaalada Muqdisho, waxaa horey uga furnaa 2 dugsi oo lagu barto sound and silent language, ama habka waxbarashada dhagoolayaasha, kuwaasoo ay wax ka baran jireen ardayda dhagoolayaasha ah, waxaana ay ku kala yaalleen agagaaraka garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium iyo xaafadda Beexaani ee degmada Shibis, mana jirto labadaasi dugsi mid haatan shaqeeya, waxaana labadooduba ay ku xirmeen dagaallada ka socda Muqdisho.

Ardayda dhagoolayaasha ah, ee ku sugan Muqdisho ayaan haatan haysanin xaruma ay wax ku bartaan mana jirto hay`ado ka caawiya baahidooda nololeed ee caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyo kale oo badan.

AA/MH/FM

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS