Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Cabashooyin ka soo kordhaya barakacayaal ku sugan Muqdisho

18 Sep, 2011

Qaar ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisoh oo ka cabanaya ineysan helin wax gargaar ah iyadoo qaarkoodna ay soo wajahday xaalad caafimaad darro.

 

Qoysaskan oo deggan dhismihii hore ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in muddadii ay ku noolaayeen xeradaas oo ay iigu sheegeen ineyan muddo sanad ah helin wax gargaar ah.

“Intii ehel ah ee meesha aan wada joogno waan rafaadsannahay wax aan heysanno ma laha, deyn ayaa la igu lee yahay ilmaha wax aan u haayo ma laha hayadaha gargaarka sida turkiga waxaan ka cosanaynaa in nala gargaaro………..” Sidaasi waxaa ii sheegtay iyadoo murugo la hadli la’Xabibo cali oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku nool dhismihii safaaraddii hore ee Mareykanka ku lahayd magaalada Muqdisho.

“Waxaan abaarta darted uga soo barakacay degmada ceel Buur, halkaan markaan imid ma jirto wax deeq ah oo aan helnay, biyo la’aan baad la, ayaa halkaan nagu haysa mararka qaarkeen waxay dharka u soo dhaqaan reeraha halkaan deggan, mana nagu filna, waxaan walaalaheen ka codsanaynaa in ay gargaar nala soo gaaraan” sidaasi waxaa Radio Ergo u shegtay hoyo lagu magacaabo Deeqo Xuseen Maxamed oo ka mid ah qoysaskaas.

Sidoo kale aabbe lagu magacaabo Cabdule Axmed waxa uu ka mid yahay qoysaska ka sheeganaya in lagu hilmaamay xeradaas, waxa aan weydiiyay sababta loo soo gaarsiin waayay gargaarka waxa uu yiri” Ma garan karo sababta naloo soo gaarsiin waayay tan iyo ciiddii Carrafo ee la soo dhaafay wax gargaar ah ma anan helin”.

Dhanka kale qoysas barakacayaal ah oo ku nool xerada barakacayasha caafimaad ee ku taala degmada Boondheere ee gobolkan Benaadir ayaa iyana sidoo kale ka cabanaya xaalad dhinaca nolosha ah oo ay u dheer tahay caafimaad darro.

Qoysaska oo isugu jiro dad xoolalay iyo beeraley ahaa oo aan ku booqday halkaas ayaa ii shegay in ay haysato xaalad dhinaca nolosha ah iyadoo carruurta ku dhaqan xeradaasina ay soo food saartay xanuunka cudurka Jadeecada.

Si kastaba waxaa soo kordhaya cabashooyin iyo caafimaad darro ee ka soo yeeraya qoysaska barakacayaasha ee ku sugan xeryo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.

Sacdiyo M. Nuur

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo


Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS