Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Dadka Qooqaani oo codsanaya in gargaar dhinaca hawada ah la gaarsiiyo

Dhisme laga qaxay (Mohamed Garane/Radio Ergo)

Qooqaani 14 Nov, 2011

Deegaanka Qooqaani oo ku yaalla Gobolka Jubbada  hoose, ayaa  muddooyinkii ugu dambeeyay waxay noqotay mid go,doon ku jirta isla mar ahaantaana ka go,an deegaannada kale ee gobolka.

dadka deegaanka oo la soo xirriiray raadiyaha  ERGO ayaa  sheegay in dadku xilligaan aysan heysanin wax ay cunaan “ma jirto haba yaaraatee wax raashin ah oo yaalla tuuladeenna  mana jirto wax hay’ado samafal ah oo la soo xiriiray  ama ka warqaba xaaladda dhabta ah ee ka jirta degaankeenna, dadku waxay billaabeen inay cunaan caleenta geedaha”. sidaa waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Waxgaradkan  ku hadlayay magaca dadka deegaanka Qooqaani, ayaa  codsaday in gargaar xagga hawada looga soo daadiyo haddii ay suuragal noqonayso.

 Waxaa go,an oo xiran saddexda waddo ee muhiimka u ahaa isu socodka Qooqaani taasoo keentay in deegaanku uu noqdo mid ka go,an deegaannada kale ee gobolka.

cabashooyinkaan ka soo yeeraya dadka deegaanka Qooqaani, ayaa ku soo beegmaya xilli ay colaado u dhexeeya ciidamada dowladda ku meel gaarka ah ee Somalia iyo dhaqdhaqaaqa Raaskambooni oo ay taageerayaan ciidamada dalka Kenya  iyo xarakada Alshabaab ay ka jiraan  gobolka Jubabbada hoose gaar ahaana nawaaxiga Qooqaani.

waxaa deegaanka iyo deegaanno kale oo ku xeeran ay noqdeen meelo ay ku soo qulqulaan dhinacyada dirirtu u dhexeyso.

MH/CC/FM/MG

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Faallo

Magac
Emayl
Faallo
Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS