Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Maxay ku sugan yihin carruuta Ardo?

Muqdisho 22 Sep, 2011

Ardo waa hooyo ku geeriyootay qaraxii ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho sannad ka hor.

Muqdisho, Sebt. 2011 (R/ERGO) - Dhacdooyinka naxdinta leh ee soo mara aadamaha waa kuwo saamayn ku yeesha nolosha, geeri si lama filaan ah ugu dhacda qoys tamar daran ayaana ka mid ah dhibaatooyinkaas, xoogsato iyo dhibanyaal ka dawarasan jiray afaafka hore ee Aiportka Muqdisho ayaana ka mid ah dadkaas.


Alle ha naxariistee Ardo Maxamed waxay ka mid ahayd dadkii  ku dhintay qarax ka dhacay Airiportka Muqdisho, afar caruur ah oo uu ugu yaryahay 3 jir ayey kaga tagtay aduunka oo ay ku maarayn jirtey noloshooda tuugsi ay ka samayn jirtay afaafka hore ee garoonka diyaaraddaha Muqdisho.


Ibraahim Macalin Aadan oo ah aabihii caruurtaas ayaa weriyaheenna Muqdisho kula kulmay gurigiisa oo ku yaal degmadda Dharkeynley markaasna dhabta ku hayey laba ka mid ah caruurtiisa oo ooyaya ayna ka muuqato dayac badani, sanad ka dib geeridii xaaskiisa ayuu ka sheekaynayaa nolosha qoyskiisa

“Alxamdu Lilaah xaaskaygii waan is kaalmaysan jiray, anniga waxaan ahaa qof iska xoogsato ah, iyaduna dhar dhaqid iyo dawersi ayey qaban jirtay annigu xamaali iyo wax kale, markaan xasuustaba dareen xoog leh ayaa i gelaya laakiin waa wax Alle qoray, waxaanan markasta ilowsiiyaa qalbigayga dhacdadaas, tayda dhib ma lahan caruurta ayaa iigu daran”

Dhibaatooyin adag ayaa soo wajaha qofkastoo ay ku dhacdo xaalad tan la mid ah waxaana mar marka qaar dhacda in arintaani galaafato nolosha qof kale oo ka mid ah qoyskooda.

Barafasoor Yaxye Cali Ibraahim waa hormuudka jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho wuxuuna tilmaamaya xanuunka arintaani leedahay
“Marxuumadda geeriyootay waa xubin muhiim ah oo ka tagtay qoyska, waxaana jira saamayn ay ku yeelanayso qoyska geeridaasi, marxalad kastoo dhacdo tani way ka duwan tahay geeri caadiya, waa shil kedis u dhacay, marka qoyskaasi wuxuu u bahan yahay inuu helo xanaanayn bulsho taasoo aan Soomaaliya laga helayn, waayo waxaa dhacda in qoyskii qaybo ka mid ahi noqdaan kuwo maskaxdooda wax u dhinmaan, qaarkoodna ay ku waashaan. Geeridii qofka lama soo celin karo waa dhintay waxaase loo samayn karaa in laga taageero dhinacyo badan sida dhaqaalaha, iyo haynta caruurta, iyo caruurta laftigoodu waa kuwo aad u yar yar iyagana bal in loo sameeyo sidii shilkaas naxdinta leh loo ilowsiin karo”.

Dhibaatooyinka shilalka ah ee dhaca waxay keenaan dhibaato qofka nool ka gaarta maskaxda taasoo gebi ahaanba saamaysay habsami socodksiisa nololeed.

Wadamadda ay dagaaladdu ka jiraan kama jiraan wax hay’adda ah oo gaar ugu hawlan sidii loo xanaanayn lahaa dadka dhibaatooyinka kediska ahi ka soo gaaraan, ayna helaan caafimaadka dhinaca miskaxdda iyadoo aqonyahanadda bartay cilmi nafsiga sheegayaan in sida qoyskan oo kale ay u bahan yihiin daaweyn dheeraad ah iyo ilaalinta rajo beelka ka timaadda dhacdooyinkaan naxdinta leh.

Siduu sheegay Ibraahim, Ardo waxay ka taageeri jirtay qoyska dhinaca helista nolosha, wuxuuna ka sheekaynayaa siday ku tagtay tuugsiga maadaama wakhtigaas noloshu ku adkayd ahaana xoogsadde gaari gacan ku shaqaysta.

“Anniga gaari gacan uun baan ku shaqaysan jiray, wakhtigii ayaa adkaaday, waxaan ka heli jiray gaari gacanka ayaa aad u yaraatay, marka waxay igu tiri waan kuu jeedaa oo wixii aad soo helaysay inaguma filna ee marka waxaan rabaa inaan aaddo dadka oo dhex galo si aan uga soo helo dhar dhaqis iyo wax kale oo xoogsi ah, marka sidaas ayey ku baratay dad badan oo Soomaaliyeed, wixii ay ka soo heshana caruurtay u keeni jirtay, waana hagaagtay nolosheenii anniga dadalkaygii ayaan sii kordhiyey, markaas waxaan deganayn meel u dhow Fiilo Baydhabo, waanan is garabsanay.

Xilligaan Ardo waxay ku aasan tahay afaafka hore ee guriga ay ku noolyihiin caruurteedii ay ka tagtay, markaad aragto muuqaalka caruurta waa mid iska liita, waxayna dareemayaan xanuunka hooyo la’aantu baday, si wadajir ah ayaanan ugu ducaynay markaan kor istaagnay qabrigeeda.

Xaliimo Maxamed Xasan waa ayeeyadda caruurtay ka tagtay Ardo sidoo kale waxay gacanta ku haysaa agoon kale oo ay ka dhimatay walaasheed,

“caruurtaan yar yarka ah runtii dhaqaalo uma hayo, waxaan hayaa caruur kale oo agoon ah kuligoodna waa isku todoba, inta waalidkood dhintay ee aan gacanta ku hayo, waxna uma hayo, aabahoodna wax uma hayo, siday u joogaan ayey ooyayayaan oo hooyooy ku qaylinayaan waana markaan annigu ka naxo”

1992 ayey Ibraahim iyo qoyskiisu soo galeen Muqdisho, markaas oo ay gaajo ka soo barakicisay degmadda Qoryoolay kadib markii xilligaas ay ku dhufatay koonfurta Soomaaliya macaluushii loo yaqaanay “Cago barar” xiligaasna ka jirtay wadanka oo keentay in calamku u soo gurmado, keentayna hawl galkii rajo soo celinta ee UNISOM.I

Sidoo kale Ibraahim wuxuu sheegay intii ay Muqdisho ay ku sugnaayeen ay ka badbaadeen tiro ka afar goor dagaalo iyo duqaymo ay dhexda u galeen.
Laakiin nasiib daro ay dhimatay xaaskiisii iyadoo ku sugnayd goob ay islahayd waa meel nabdoon waana ilinka hore ee Airporta Aadan Cade ee magaaladda Muqdisho halkaas oo niman isa soo miidaamiyey ay qarax ku beegsadeen kuna dileen Ardo oo ka tagtay 4 caruur ah oo ay noloshooda uga soo dhicin jirtay tuugsiga.

Dhamaad.

C. Koronto

Faallooyin

Noqo qofka ugu horreeya ee faallo ku qora boggan

Magac

Emayl

Faallo

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS