Beled-Xaawo 04 Sep, 2011
Magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ka bilowday olole nadaafadeed oo si xowliya ku socda, kaasoo ay wadaan haweenka magaalada oo go'aansaday iney qashinka ka qaadaan meelo fara badan oo ay guddaafaddu dhooban tahay, dadkuna ay ku soo fogeeyaan.
Howsha ay haweenkani wadaan baa soo jiidatay indhaha dad badan, maxaa yeelay waxay durbadiiba ku guuleysteen iney nadiifiyaan goobo fara badan oo magaalad dhexdeeda iyo daafaheedaba ah, waxaana u suurta gashay iney bilicdii magaalda in badan oo ka mida soo celiyaan inta u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan bartamaha labada magaalo ee deriska ah ee Beled Xaawo iyo Mandheera.
Xaliimo Faarax Cumar, waxay ka mid tahay nadaafad wadayaasha, waxayna u sheegtay raadiyo ERGO iney howl ku dhaqaaqidooda ka dambeysay isu imaatan ay ka yeesheen haweenka magaalada, markii ay arkeen nadaafad darrida haysata Beled Xaawo.
Mid ka mida arrimaha ugu weyn ee arrintan keentay ayay haweeney ka mida kuwa ku mashquulsan nadaafadda iigu fasirtay iney tahay markii la arkay khatar caafimaad oo hadda taagan iyo mid ka weyn oo ka soo socota qashinka gudaha iyo geesaha magaalada tuban.
Xaawo Ugaas waxay ka mid tahay hooyooyinka gadaal ka riixaya barnaamijkan nadaafadda, waxayna ERGO u sheegtay inaaney ka daali doonin howshan ilaa aynu weyno calal wasaqeysan ama bac meel ku dhegan.
Haweenkaas wada ololahaas nadaafadeed waxay ka codsanayaan maamulka degmada iney sugaan ammaanka goobaha ay ka howl galeen si aaney dib ugu noqon sideedii hore.
Howl nadaafadeed oo noocaan oo kale ah oo ay dadku iskood isugu xil saaraan baanan waayadan la arag , waxaana haddii uu guuleysto magaalada Beled Xaawo uu noqonaya mid wax tar badan u yeelsha bulshada magaaladan ku nool.
Nuur