Isha wararka arrimaha bani'aadannimo ee gobolka

Ku saabsan Raadiyo Ergo

Raadiyo Ergo wuxuu maalin walba u baahiyaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga ee ku nool gobolka warar sugan oo bani’aadamnimo iyo macluumaad dhamaantood ku baxaya afka Soomaaliga, kuwaasoo ay soo ururiyaan iskuna xiraan 20 weriye oo nooga soo warrama gudaha.

Ujeeddadeennu waxay tahay inaan u sameyno xiriir bulshada Soomaaliyeed iyo hay`adaha arrimaha ban`iaadamnimo ee doonaya iney iyaga caawiyaan. Sida tusaalaha warbixinnada Ergo oo ay ka mid yihiin sheekooyinka gaarka ah iyo doodaha ay Soomaalidu kala qaybqaadato kuwaasoo taabanaya dhammaan nolosha tuulooyinka, magaalooyinka, barakacayaasha amaba xeryahay qaxootiga, iyo wareysiyada lala yeesho saraakiisha gargaarka, wargelinta iyo barnaamijyada ka hadla xuquuqda iyo danaha dadweynaha.

Dhegestayaasha waxay maalin walba ka dhegeysan karaan Raadiyo Ergo mawjadda gaaban, saacaddu markay tahay 12:30-13:30 xilliga Geeska Afrika lana mid ah (08:30-09:30 GMT). Hadafkeenna kowaad waa mawjadda gaaban: Maqnaansha idaacad guud ee qaran ee Soomaaliyeed oo bulshada adeegta, iyo mashaakilka siyaasadeed iyo amnidarro ee ka jirta deegaanka waxay sida badan ku keenaan mashaakil idaacadaha maxalliga ah ee FM yada Soomaaliya, sidaas darteed mawjadda gaaban waa habka keliya ee warar iyo macluumaad lagu gaarsiin karo dhamaan dadweynaha Soomaaliya iskuna xiri kara qayabaha gobollada.

Barnaamijyada Raadiyo Ergo maalin walba waxaa kaloo laga sii daayaa toddobo ka mid ah FM yada maxalliga ee uu Raadiyo Ergo wada-shaqayn la leeyahay, kuwaasoo kala ah: Star FM, Raadiyo Xurmo, Codka gobollada dhexe ee Soomaaliya, Raadiyo Caabud Waaq, Codka Mudug, Horseed Media iyo Codka Nabadda.

Ereyga –Ergo – wuxuu macno iyo qiimo weyn ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo afka Soomaaliga. Wuxuu xambaarsan yahay micnaha asaaska dhexdhexaadinta ama ergeynta taasoo ay dani ugu jirto dadweynaha u baahan, iyo waxay xataa loo celin karaa macno ahaan oo ay noqon kartaa kuwa u kaca iney xalliyaan iska hor imaadyada.  

1dii July 2011, adeeggii raadiyaha ee UN OCHA-IRIN waxaa la wareegtay IMS Productions Aps oo ah hay`ad aan ahayn faa’iido doon oo fadhigeedu yahay Copenhagen, Denmark oo iyadu qayb ahaan xafiis uga furatay Nairobi, Kenya. IMS Productions Aps waa faraca shirkad hay`ad warbaahin oo caalami ah, International Media Support (IMS).

IMS Productions Aps Waxaa taagera gole la talin oo ka kooban hay`ado caalami ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaasoo doonaya iney kaalmeeyaan kaalinta adeegyada raadiyaha ee macquulka ah, isagoo gudbinaya warbixino dheelli tiran oo dhaxal gal ah sida adeegyada guud ee loo qabto bulshada dhibaateysan.

Xilligaan Raadiyo Ergo waxaa si ballaaran u maal geliyey hay’adda horumarinta Swiss Development Cooperation (SDC) iyo hay’adaha gargaarka isku dhafka ah ee Soomaaliya,Common Humanitarian Fund (CHF).

Noo soo dir wixii talo, tusaale, fariin iyo su’aalba ah adigoo noogu soo hagaajinaya: info@radioergo.org.

Raadiyo Ergo waxaa taageera SDC
Raadiyo Ergo waxaa taageera CHF
Raadiyo Ergo waxaa taageera Australian Aid
Raadiyo Ergo waxaa taageera IMS

Warning: mysql_free_result(): supplied argument is not a valid MySQL result resource in /home/radioerg/public_html/so/about.php on line 267