In ka badan 300 oo carruur ah oo u shaqeeya qoysaskooda oo ku barakacay Buuhoodle

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Sawir/Keydka Ergo Photo | Sawir/Keydka Ergo

Radio Ergo 30 August, 2017 BUUHOODLE

 

Carruurta kasoo jeeda qoysas danyar ah iyo kuwa ay barakiciyeen abaaraha dalka saameeyey ayaa billaabay inay qabtaan shaqooyin culus si ay uga qayb qaataan nolol maalmeedka qoysaskooda maadaama abaartu dhaafisay xoolihii ay ku tiirsanaan jireen qoysaskooda oo barakacayna ay heli waaayeen gargaar bini'aadanimo.

In ka badan 300 ayaa lagu qiyaasay caruurta aan qaangaarka ahayn ee ay dhaleen qoysaska ay soo barakiciyeen abaaraha ee deggan duleedka Buuhoodle, kuwaasoo xiligan qabta shaqooyin adag oo ay kamid yihiin xamaalista raashinka, qaar ka shaqeeya casaynta kaba iyo maqaayadaha oo weelka ay u xalaan halka kuwo kale ay baadiyaha u tagaan soo gurista xaabo ay ka iibiyaan magaalada oo maalmo ku qaadata soo gelinteeda.

Carruurtan waxay lacagaha kasoo gala shaqooyinka adag ku maareeyaan nolosha qoysaskooda maaddaama qaarkood ay yihiin agoon aan haysan aabbe u shaqeeya halka kuwo kalena, waalidkood uusan shaqayn karin oo ay isugu jiraan waayeel iyo kuwo xanuunsan.

Warbixintan waxaa inoo soo diray weriyaha Ergo ee Buuhoodle Khadar Cawl Ismaaciil.

 

Leave comment