Maxaa sababay in Shilin Soomaaliga isku mar laga diido gobollo badan?

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirrada/Ergo Photo | Keydka sawirrada/Ergo

Radio Ergo 25 August, 2017 SOMALIA

 

(ERGO) - Kunka Shilin Soomaaliga ah ayaa bishii laga soo gudbay laga diiday inta badan gobollada dalka. Lacagtan waxay ahayd tan keliya ee ka hartay shilinka Soomaaliga oo marba mid sidii loo diidayay ugu dambayn meesha ka baxday. Waa markii ugu horreysay taariikhda oo ay tan oo kale dhacdo iyadoo si isku mid ah u saamaysay dadka ku xiran suuqyada gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Bari, Sool, Togdheer iyo qyabo kale oo Somaliland ah.

Cabdinuur Cali Maxamed oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Simad ee magaalada Muqdisho, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhibaatadan ay sababeen ganacsatada qaar oo lacagaha iska soo daabacda markii ay doonaan. “Lacagtii waxay ula mid noqotay badeecadaha ay ka ganacsadaan oo hadba ay la soo degaan intii u baahdaan,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in maamullada ka jira deegaannada qaar ay ganacsatada u fududeeyaan inay lacagta la soo daabaco ka hirgasho meelaha ay ka taliyaan.

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee Soomaaliya Samba Thiam ayaa bishii February ee sanadkan sheegay in lacagta hadda laga isticmaalo Soomaaliya sagaashan iyo sideed boqolkiiba ay been abuur tahay. Lacag si sharci ah ay dowlad u daabacdo waxaa Soomaaliya ugu dambaysay 1990-kii.

Daabicidda lacag cusub ayaa keeni karta xasillooni darro amni iyo mid dhaqaale oo ku baaha gobollada dalka xitaa kuwa ay maamulladu ka jiraan sida uu aaminsan yahay Yaxye Caamir oo la taliye hore u ahaa Bankiga Adduunka.

Wuxuu isagoo Muqdisho jooga teleefoonka noogu sheegay in Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ay ahayd inuu si madax-bannaan u maamulo lacagta, isla markaana jaan gooyo sarrifka lacagta qalaad uu gacanta ugu jiro siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ay shaqadiisa ka mid tahay ilaalinta qiimaha lacagta iyo nidaaminta koboca dhaqaale ee waddanka ayaan si fiican u shaqaynayn. Wuxuu ku kooban yahay  hada bixinta mushaharaadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Lacagta ugu badan ee hadda laga isticmaalo Soomaaliya ayaa ah Doolarka Ameerikaanka oo u muuqda mid heshiis lagu wada yahay. Lacagtan qalaad waxaa muhiimadda intaas la’eg siiyay inay tahay mid meel kasta laga heli karo xilli kasta iyadoo cadaan ah ama shirkadaha isgaarsiintu ay dadka taleefanada ugu shubaan. Waa lacagta ugu badan ee qurbajoogta ay bil kasta u soo xawilaan ehelladooda gudaha. Deegaannada qaar ee ku yaalla xuduudaha ayaa sidoo kale laga isticmaalaa Shilinka Kenya iyo Birta Itoobiya.

Axmed Warsame oo ku nool magaalada Caabud-Waaq oo ku taalla xadka Itoobiya iyo gobolka Galguduud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in magaaladiisa aanu Shilinka Soomaaligu ka shaqayn ilaa bishii la soo dhaafay, xilligaas oo gobollada dhexe laga diiday qaadasha lacagtaas. Ganacsatada ayaa oggol oo keliya Doolarka iyo birta Itoobiya.

Diidmada Shilinka ayaa Axmed ku khasbay inuu beddesho shaqadiisii hore ee dhismaha guryaha. Hadda wuxuu adeege ka yahay maqaayad mushaharka ku siisa Doolar loogu shubo teleefankiisa gacanta.

Magaalooyinka qaar ayay ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo qiimo-dhaca Shilinka. Meelaha qaar maamullada ka taliya ayaa ganacsatada ku amray qaadashada shilinka, laakiin amarkaas wuu dhaqangeli waayay maaddaama aysan maamulladu jaangoyn karin sarrifka doollarka, ganacsataduna aysan oggolaaneyn shilin aan qiimo lahayn.

Leave comment