Wareysi ku saabsan xaaladda abaarta ka jirta deegaannada Juballand

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Dad ay barakicisay abaarta Gedo/Axmed Saalixi/Ergo Photo | Dad ay barakicisay abaarta Gedo/Axmed Saalixi/Ergo

Radio Ergo 21 August, 2017 BAARDHEERE

 

(ERGO) - Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in abaarta ka jirta deegaannada maamulkooda ay ku ceyrtoobeen 120,000 oo qof. Abaarta oo weli taagan ayuu xusay inay sababtay dad badan in ay ka barakacaan deegaannadooda.

Wasiirka oo uu telefoonka ku wareystay weriyaha Ergo ee gobolka Gedo Axmed Cumar Saalixi ayaa sidoo kale ka hadlay gurmadka socda iyo dadaallada uu guddigoodu wado.

“Sida aad ogtahay abaartii kal hore nagu dhufatay xaaladdeeda waan wada ogeyn oo xaalad daran ayay ahayd. Xoolaha waxaa la dhihi karaa boqolkiiba lixdan ayaa meesha ka baxday. Dad faro badan dhibaato ayay u geysatay. Deegaannada roobabkii dambe ee da’ay qaarna si fiican bay u heleen, qaarna weli [waa kuwo ay abaartii ka jirto]. Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose qeybo ka mid ah roobab fiican baa laga helay oo lagu diirsaday oo xoogaa aad baa loogu wanaagsan yahay, gobolka Gedo ayaa hadda Jubbaland u daran laga soo billaabo Yurkut ilaa Ceelwaaq eeriyadeeda la yimaado abaar daran ayaa ka jirta, gurmadka weli wuu socdaa.

Waxaa kaloo jira dadyow ka soo gudbaya dhanka Itoobiya oo Doolow eeriya iyo Luuq iyo Beled-Xaawo imaanaya oo iyagana dhibaato abaaro ka soo barakacay oo xoolo-dhaqatadii dowlad-deegaanka Soomaalida dadkii deggenaa ah. Axmed, annaga dowlad ahaan iyo ka guddiga gurmadka qarankaba waan dadaaleynaa. Raashin aad u tiro badan ayaa magaalada Kismaayo yaalla. Turkiga raashin uu keenay, WFP, Carabaha timir ka timid baa yaalla. Waxay dowladda Jubbaland ku mashquulsan tahay raashinka iyo sahayda taalla dekedda Kismaayo sidii ay u gaarsiin lahayd meelaha dhibaatada ay ka jirto.

Bisha hadda 12 ilaa 9-keedii intii u dhaxeysay 1,300 oo qof ayaa degmada Doolow ku soo barakacay oo qeybta webiga dhinaciisa kale ah ay dhibaato ku haysatay ah ayay dowladdu xoogaa raashin ah siisay, hay’adaha samafalkana waxay ku jiraan dhaqdhaqaaq gurmad fiican, laakiin baahida waxaas oo dhan kuma wada filna. Xaaladda marka waxaa la dhihi karaa gobollada Jubbaland labo gobol way fiican tahay, laakiin gobolka Gedo iyo qeybo ka mid ah labada gobol oo kaleba aad bay weli abaarta uga jirtaa, gurmadkana wixii karaankeenna ahaa waan wadnaa.

Su’aal: Dadka qaarkiis waxay iswaydiinayaan abaaraha ka dhaca inta badan ka dhaca gobolka Gedo waa kuwo soo noqnoqday, mar walbana xoolaha waxay u hayaamayaan, Jubbada dhex, Jubbada hoose iyo gobolka Bay qeybo ka tirsan, marka maxaa loo aaneynayaa abaarahaas joogtada ah ee gobolka Gedo ku habsanaya mar walba?

Jawaab: Waa runtaa Axmed, abaaraha waxaa loo aaneynayaa marka koowaad qoladaan seynisyahannada beesha caalamka waa kuwa yiraahda ‘hawada adduunka isbeddello ayaa ka jira’ laakiin annaga dad [muslimiin] ah baan nahay waa un qaddar Rabbi un baan u aaneyneynaa. Waxaa kaloo jira dhirtii ayaa la jaray oo dhuxul laga shiday, annaga marka waxaan is leennahay dhirta la jaray qeyb bay ka qaadanaysaa roob la’aanta. Waxaan kaloo isleennahay dhibaato guud baa Soomaaliya ka jirta oo waa tuu Ilaahay yiri {naxariisteyda waxaad heleysaan markaad isu naxariisataan}. Dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya ka jira oo naxariis darrada iyo dadka isnaceybka iyo is cafis la’aanta iyo waxyaabahaas xikmad ahaan marka diintannada loo laabto qeyb bay ka tahay. Marka waxaa la is dhihi karaa waa arrin un Ilaahay uu wax ka qaban karo, cid kale oo wax ka qaban karta aysan jirin.

Su’aal: Maalmahaan waxaad booqasho ku mareysay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo abaaro kulul ay ka jiraan, marka deegaannadaas maxaad ku soo aragteen?

Jawaab: Waxaan ku soo aragnay dad aad u dhibaateysan oo barakacayaal u badan. Degmada Luuq waxaa jooga dad barakacayaal ah oo ka kala yimid gobollada Bay iyo Bakool iyo Gedo lafteeda, degmada Doolow iyana waxaa jooga dad ka yimid Itoobiya dowlad-deegaanka qeybta na soo xigta iyo Gedo qeybaheeda kale oo Doolow aaggeeda ah. Beled-Xaawo oo kale waxaa aad ugu badan dad ka soo barakacay miyiga Beled-Xaawo oo ilaa iyo Ceel-Waaq iyo inta u dhaxeysa iyo Beled-Xaawo iyagana ka yimid, Garbahaarrey waa sidoo kale. Baardheere waa sidoo kale iyadana dad baa ka yimid iyo deegaannada u dhow.

Waxaan ku soo aragnay dad aad u dhibaateysan, meel walbana meesha ka hooseysa ayay ka dhib badan tahay. Waxaa u sii dhib badan qeybaha waqooyi ee gobolka Gedo, laga billaabo Garbahaarrey, Beled-Xaawo, Luuq, ilaa Ceel-boon, Doolow, aaggaas ayaa u dhib badan. Runtii xoolaha abaarta markii ay ku dhufatay oo xoolihii shinka ahaana ay Jubbooyinka calaf u doonteen, aragii yaraa uu soo haray, waxay yiraahdeen ‘arigaan caatada ah ma rabnee waxaan rabnaa dadku inay lacag bixiyaan’ dadkana lacag ma haystaan. Xoolahoodii geelii iyo lo’dii waxay soo aadeen Jubbooyinka oo way soo fogaadeen, arigii lacag ma gooyo.

Su’aal: Ma jiraa tirakoob aad sameyseen ama dad oon iyo gaajo u dhintay oo aad og tihiin?

Jawaab: Haa way jirtaa. Bilihii hadda aan soo dhaafnay oo roobkaan intii uusan dai’in ka hor ahayd dad badan baa u dhintay abaar. Midda kale abaarta marka ay timaado waxaa yimaada cudurro, shuban-biyood iyo dhibaatooyin kale ayaa yimaada. Dad badan ayaa shuban-biyood ugu dhintay degmada Luuq, Garbahaarrey, Baardheere iyo Doolow. Shuban-biyoodka laftiisana abaarta ayaa sabab u ah oo qofka marka uu tabar-yareeyo, biyo nadiif ah waayo, waxaa u imaanaya bakteeriyo isu beddeleysa shuban, qofka markiiba difaaca ayaa baaba’aya marka uu shubanka ku dhaco wuu dhimanayaa.

Waxaa jira meelo kale oo oon looga dhintay oo qeybahaan Geriley, Faafax-dhuun, Ceelwaaq oo iyagana oon looga dhintay oo dad ilaa lix qof iyo meelahaas ay ku dhinteen. Abaarta marka ay timaado wax kasta waa loo jilicsanaanayaa, way dhimanayaan, degmada Luuq oo kale dad badan ayaa u dhintay shuban-biyoodka oo dadka qaar waxay leeyihiin 80 qof ayay gaarayaan, qaar way ka badinayaan, waxaas oo dhanna waxaa saldhig u ah abaarta.

Su’aal: Dadka qaar oo ku sugan gobolka Gedo ama guddiyada gurmadka abaaraha ha ahaadaan, waxay yiraahdaan ‘abaaraha la tacaaliddooda gobolka sidii loogu talagalay uma soo gaarin, deeqaha ka imaanaya beesha caalamka haddii ay ahaan lahayd ama guddiga heer-qaran ee gurmadka abaaraha’ arrinta noocaas oo kale ah maxaad ka oran lahayd?

Jawaab: Axmadow, way dhici kartaa inay jirto laakiin horta guddiga gurmadka qaran wax kasta oo karaankooda ah oo ay sameyn karaan way sameynayaan. Gobollada Jubbaland marka la yiraahdana lacagihii kaashka ahaa oo guddiga gurmadka qaranka ay soo dhiibeen, meesha ugu badneyd ee lacag hesha ayay ahayd gobolka Gedo. Laakiin xaqiiqiyan waxaan wada ognahay wax dad bani’aadam ah ay bixiyeen marxaladda jirtay iyo midda hadda jirtaba aysan ahayn wax wax ka qaban kara, laakiin kaalmo un bay galeen maalin ah. Annagana waan dadaaleynay, dhibaatooyinka kale oo caqabado ah oo jirayna waxaa weeye, raashinno badan oo loo baahnaa in la gaarsiiyo gobolka Gedo ayaa Muqdisho yaalla ama Kismaayo yaalla – xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland – ayaysan suurtagal ahayn inta dhulka la mariyo dadka in la gaarsiiyo.

Su’aal: Guddoomiye, hadda waxaa laga soo gudbay xilli-roobaadkii abaarihina sidii ayay u taagan yihiin, marka maxaa idin qorsheysan oo aad dooneysaan in aad kula tacaashaan hadda dhibaatada taagan?

Jawaab: Raashin badan ayaa Gedo u yaalla dekedda Kismaayo, dowladduna waxay ku mashquulsan tahay sidii ay u gaarsiin lahayd. Kolley gobolka Gedo inay gaarsiiso raashinka way ka go’an tahay dowladda, guddiga gurmadka qaranka  iyo guddiga gurmadka Jubbaland, saddexdaas qeyboodba way ka go’an tahay in la gaarsiiyo. Wixii lacag ah oo la haayana iyada ayaa la gaarsiin doonaa haddii uu Ilaahay yiraahdo. Marka waxaan diyaar u nahay wax kasta oo karaankannaga ah oo aan sameyn karno meelaha dhibaatooyinka ugu daran ay ka jiraan inaan gaarsiinno si dadban iyo si toos ah waxaan ku geynaba.

Su’aal: Tiro guud ma haysaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay Jubbaland iyo meelaha ay joogaan dadka ugu badan?

Jawaab: Tirada guud ee Jubbland ugu yaraan waa 120,000 oo qof ayaa ku ceyrtowday. Meelaha ugu daranna waa magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda, Beled-Xaawo, Garbahaarrey, Doolow, Luuq iyo Baardheere.

Leave comment