Ma xiiseyneysaa ka qeybgalka mashruucan dhallinyarada iyo dowlad-wanaagga?

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir


Radio Ergo 26 July, 2017 SOMALIA

 

IMS-FOJO waxay madal cusub oo shaqo oo online ah u abuurayaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo weriyeyaasha. Madashan waxa ay noqon doontaa madal furan oo bulshada gudaha iyo kuwa dibadda u soo bandhigta xogta iyo howlaha baarlamaanka, sida jadwalka kalfadhiyada, doodaha iyo kulamada joogtada ah ee guud iyo kuwo guddiyada, hindiso-sharciyeedyada laga doodayo, kuwa la ansixiyay, iyo ajendeyaasha kale ee guud. Ujeedka howshan waa in la abuuro xiriir waxtar leh oo dhexmara dhalinyarada Soomaaliyeed, baarlamaanka federaalka ah iyo kuwo maamul goboleedyada, iyada oo ay bulshaduna si joogta ah xog-ogaal ugu noqonayso howlaha baarlamaanka iyo doodahooda.

Ujeeddada guud ee howshan waa in ay bulshada qeyb ka noqoto hannaanka dimuquraadiyadeynta Soomaaliya, in ay muwaaddiniinta talo ku yeeshaan go’aamada hay’adaha dowladda iyo in la helo warbaahin Soomaaliyeed oo madax-bannaan oo uu hoggaan u yahay codka dhallinyarada. Waxaan doonaynaa in aan sare u qaadno wacyiga dhallinyarada Soomaaliyeed iyo awoodooda la socoshada howlaha dowladda, iyadoo adeegsanaya nooc warbaahineedkan cusub ee bulsho. 

Waxaan raadineynaa howlwadeenno iyo mutadawiciin daneynaya in ay ka shaqeeyaan mashruucan, kuwaas oo qori doona warbixino iyo warar la xiriira howlaha Baarlamaanka ee joogtada ah.

Qofka soo codsanaya:

  1. Waa inay da’diisu u dhaxeyso 18 – 35 sano jir
  2. Waa inuu si joogto ah u adeegsado baraha internetka ee ay bulshadu ku xiriirto, si wanaagsanna uu ula socda habka loogu xiriiro warbaahintaas
  3. Waa inuu yahay ama noqon karo qof wax ku qora bog internet (Website) ama leh xirfad qoraal
  4. Waa in uu noqdaa qof aqoon u leh adeegsiga iyo ku shaqeynta kombuyuutarka, WordPress-ka, Survey Monkey, Twitter Polls, Facebook Live Video, Instagram iyo adeegyada kale ee Internet-ka ee muhiimka u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed
  5. Waa in uu aqoon iyo faham dheer u leeyahay nolosha dadka Soomaaliyeed iyo hab-dhaqankooda siyaasadeed
  6. Waa inuu si heer sare ah u qori karo, uguna hadli karo Af-Soomaaliga iyo in uu si wanaagsan u yaqaanno Ingiriiska
  7. Waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa inay soo codsadaan ardayda jaamacadaha ee barta warbaahinta, siyaasadda, dhaqaalaha, teknoolajiyada iyo cilmiga bulshada

Haddii aad danaynayso in aad howshan qeyb ka noqoto, fadlan noo soo dir CV-gaada iyo qoraal kooban oo aad ku sharraxeyso xiisahaaga la xiriira dhallinyarada iyo dowlad-wanaagga ugu dambeyn 6 Agoosto 2017.

Email: open4youth@gmail.com

Leave comment