Xoolo dhaqato ka hayaamay gobollada dhexe oo Sool gaaray

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka Sawirrada Ergo Photo | Keydka Sawirrada Ergo

Radio Ergo 16 June, 2017 SOOL, MUDUG, GALGADUUD

 

Jaamac Cali Ciid, waa 55 jir xoolo dhaqato ah oo dhalay toddobo carruur ah, waxa uu ka soo barakacay deegaanka Dhuumoodle oo 20Km u jira Cadaado, kadib markii ay oonka iyo daaq la’aanta abaarta ka dhashay ay u dhinteen 240 neef oo arigiisa ka mid ah. Afar maalin ka hor ayuu soo gaaray deegaanka Adhi-caddeeye ee ka tirsan gobolka Sool oo roobka gu’gu uu si fiican uga da’ay, isaga oo wata 60 riyood oo xoolihiisii uga haray.

Waxa uu Raadiyaha Ergo u sheegay in markii uu maqlay in gobol Sool oo 500 Km u jira Dhuumoodle uu roob badan ka da’ay uu go’aansaday in uu u guuro, maadaama deegaankiisa uusan ka da’id roobka gu’ga sanadkan, deegaannada kale ee ku dhow ee gobollada Mudug iyo Galgaduudna aysan helin roob fiican.

Jaamac waxa ay hal gaari oo nuuca waaweyn ah soo wada kireysteen siddeed qoys oo ay deris ahaayeen, waxaana kaga baxday lacag dhan $1600, isaga waxa uu bixiyay $200 oo qeyb ahaan usoo gaaratay, isagoo caawinaad ka helay dad ay ehel yihiin oo qurbaha ku nool.

“Saddex bil oo la soo dhaafay xoolaha waxaan ku quudineynay galleey, markii dambe qarshka ayaan xamili weynay oo $20 ayuu noqday loorkeeda, hadda kadibna raja badan oo roob gu’ ah ma jirto, sidaas darteed qof kasta oo dhaqaaqi karay wuu soo dhaqaaqay” ayuu jaamacay u sheegay Radio Ergo.

Afartii maalin ee la soo dhaafay 300 oo qoys oo xoolo dhaqato ah oo ka barakacay gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa gaaray deegaannada Adhi-caddeeye, Yagoori, Guumeys iyo Oog oo ku yaalla waqooyiga gobolka Sool.

Wasiirka gargaarka, arrima bini'aadamnimada iyo naafada Galmudug Shire Xirsi ayaa Radio Ergo u sheegay in 200 oo qoys oo kale ay labadii maalin ee la soo dhaafay gaareen waqooyiga gobolka Mudug iyo gobolka Nugaal. Qoysaskaan ayaa ah kuwii awooday in ay kireystaan gawaari ay ku guuraan, halka kuwii tabarta darnaa ay wajahayaan biyo iyo baad la’aan iyaga iyo wixii xoolo u haray. Deegaannada ugu daran ee uusan roobku ka da’id dadkuna ka hayaamayaan ayaa kala ah; Gallinsoor, Xeraale, Balanbal, Xamar day iyo  Dhagtuur oo labada gobol ka kala tirsan.

“Dadkaan ma aha dad gargaar ku tiirsanaa oo waa reer guuraa sidaas darteed wixii xoolo u haray ayey la hayaameen, balse waxaan ka walwalsannahay reeraha aan heysan wax ay ku guuraan xooluhuna ka dhamaayaan” ayuu yiri Wasiir Shire Xirsi.

Cabdullaahi Xirsi Kadiye, waa 58 xoolo dhaqato ah, isaga, xaaskiisa iyo lix carruur ah oo uu dhalay waxa ay dageen baadiyaha Ardhi-caddeeye oo ay shan maalin ka hor soo gaareen. Waxa ay dhaqanayaan 150 neef oo ari ah oo ka haray 350 neef oo uu lahaa markii uu ku noolaa deegaanka Hog-dugaag oo Cadaado 30Km dhanka galbeed ka xiga.

Dadka deegaanka ayaa xoolo dhaqatada cusub ku caawiyay raashin ay sii cunaan inta ay deegaanka la qabsanayaan iyo in ay la dejiyaan reeraha. Waxaa sidoo kale ay u sheegeen xeer-daaqsinka gobolka ka jira maadaama ay tahay markii ugu horreysay ay gobolkaan yimaadaan sida uu raadiyaha Ergo u sheegay Cabdullaahi Xirsi Kadiye.

“Xoolaha hadda waa dhargeen, daaqsinkana dhib kuma qabno, balse mar walbo waxaad joogtaa gobol aan kaaga ahayn oo caqabado waa jiraan” ayuu yiri Cabdullaahi.

Todobaadkii la soo dhaafay gobolka Sool waxaa gaaray 40 gaari oo u raran qoysas xoolo dhaqato soo roob raacay ah oo ka soo guuray gobollada Galgaduud iyo Mudug kadib markii ay yaraatay rajada laga qabo inuu roobka gu’ga ka da’o deegaannadaas, sida uu Ergo u sheegay Maxamed Xassan oo kamid ah odayaasha deegaan Ardhi-caddeeye. “Dadka imaanaya waa dad xoolo wata oo daaq soo raadsaday, dhulkuna dadku waa ku filan yahay, kolleey markii Ilaaheey deegaankooda roob siiyo waa iska noqon doonaan inta ka horreyso waa inoo marti” ayuu yiri Maxamed

Xoolo dhaqatadan ayaa qorsheynaya in ay dib ugu laabtaan deegaannadooda marka la gaaro xilliga deyrta, waa haddii uu deegaannadooda si fiican uga da’o.

 

Leave comment