Xoolo-dhaqde ay abaartu ka dhigtay farsamo-yaqaan maacuunta sameeya

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Xasan Abuukar oo farsameynaya burjuko/Xamdi Xasan/Ergo Photo | Xasan Abuukar oo farsameynaya burjuko/Xamdi Xasan/Ergo

Radio Ergo 17 July, 2017 MUQDISHO

 

(ERGO) - Xasan Abuukar Yaasiin ayaa labadii bil ee u dambeysay awood u yeeshay in uu saddexda waqti raashinka u iibiyo qoyskiisa oo deggan xerada Weydow ee duleedka Muqdisho, taas oo ay u suuragelisay shaqadiisa cusub ee farsamada maacuunta. Ninkan oo aan weligiis ku fikirin inuu magaalo ka shaqeysto ayay noloshiisa beddeshay abaarta oo dhaafisay 150 neef oo isugu jiray lo’ iyo ari oo uu ku dhaqan jiray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose. Hadda wuxuu ku fikirayaa in uu magaalada dego oo shaqadan uu ku sii tiirsanaado.

Xasan oo 36 jir ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in SoSh200,000 ($9) oo celcelis ahaan uu maalin kasta ka helo agabka uu farsameeyo oo laga iibsado aysan ugu filneyn keliya inuu raashin ugu iibiyo toddobadiisa carruurta ah iyo hooyadood, balse uu keyd meel ka sii dhigto. Waxaa telefoonka ugu jirta $130 oo uu dhigaashaday tan iyo markii uu shaqadan billaabay.

Afar bilood oo tababar ah oo ay siiyeen rag ku shaqeysta xirfaddan ayaa ka dhigtay nin farsameyn kara masaarta, fargeetada, badiilka, maqaalinta kalluunka lagu dabo, burjukada, jalmadaha, digsiyada, bir-canjeerada, baafafka iyo noocyada maacuunta.

Isaga iyo labo nin oo kale oo ay wada shaqeeyaan oo ay wadaagaan kharashka iyo faa’iidada ayaa macdanta oo kiiladii ay ka soo bixiyaan SoSh10,000 sii dhalaaliya, kana sameeya alaabta oo qaarkeed macaamiisha ay ka sii dalbadaan. Waxay sidoo kale alxamaan weelasha duleeshama.

Horraantii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayuu qoyskiisu soo dejiyay xerada Weydow. Xilliyada qaar oo ay baaqato cunto gargaar ah oo ay siin jireen dadka deegaanka way qadi jireen carruurtiisa. Wuxuu dib u xusuustaa toddobaadyo markii ay joogeen xerada oo uu shuban-biyood ku dhacay wiil uu dhalay oo afar sano jir ah, markaas oo maalmo uu guriga ku xanuunsanaa, maaddaama uu u waayay lacag uu ku saaro gaari isbitaalka geeya. Markii dambe horjoogeyaasha xerada ayaa la geeyay isbitaal Banaadir oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah laga bixiyo, balse waxaa ku sii adkaatay inuu cunto u iibiyo.

Wuxuu isku dayay inuu reerkiisa u shaqeeyo si uu isugu filnaado, hase yeeshee gaari-gacan uu kireystay si uu ugu xamaasho ayaa isbixin waayay. Maalin kasta SoSh25,000 ($1) oo ay ahayd inuu siiyo ninka gaariga leh ayuu heli waayay, iskaba daa in uu reerkiisa ka masruufee. Kaddib ayaa nin ka mid ah dadka soo barakacay oo ee uga soo horreeyay xerada oo mararka qaar qoyskiisa ka caawin jiray dhinaca cunnada ayaa u geeyay farsama-yaqaannada uu shaqada ka bartay.

Dad badan ayaa liida xirfadleyaasha shaqooyinka noocaan ah qabta, laakiin Xasan wuxuu sheegay in taas ka fikirkeeda ay uga muhiimsan tahay in uu qoyskiisa u helo wax ay cunaan oo ay uga maarmaan gacanta dadka kale.

Weligiis ma qaban shaqo ka baxsan dhaqashada xoolaha, balse tan wuu ku faraxsan yahay, wuxuuna ku fikirayaa in uu xerada ka guuro oo uu guri magaalada ka kireysto, isla markaana uu dugsi waxbarasho oo aasaasi ah geeyo saddex ka tirsan carruurtiisa oo hadda far-Soomaaliga iyo xisaabta loogu dhigo xerada. Qol jiingad ah oo uu hirgeliyay Guddiga Qaxootiga Norway (NRC) ayaa carruurta xeradan wax lagu baraa labada gelin ee maalintii.

Leave comment