Shaqo-abuur fursado ay nolosha kula soo baxaan u noqday dadka ku barakacay Boosaaso

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirrada/Ergo Photo | Keydka sawirrada/Ergo

Radio Ergo 13 July, 2017 BOOSAASO

 

(ERGO) - Cabdinuur Xasan Maxamed, wuxuu bishii labaad nolosha qoyskiisa oo ka kooban labo xaas iyo lix carruur ah ku maareeyaa dhaqaalaha uu ka soo saarto dukaan lacag deyn ah loogu maalgeliyay. Celcelis ahaan toban doollar oo uu maalintii ka helo shaqadaas ayuu ku dabbaraa biilka lixdiisa carruurta ah oo uu la deggan yahay xerada lagu barakacay ee Boqolka Buush ee magaalada Boosaaso. Wuxuu ka mid yahay dad soo barakacay iyo kuwo danyar ah oo dhowaan loo tababaray xirfado, loona sameeyay maal-galin si ay isugu filnaadaan.

Cabdinuur oo 30 jir ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in isbeddelka ay maalingelintan ku sameysay noloshiisa ay ka mid tahay in saddex wiil oo ka tirsan carruurtiisa ay markii ugu horreysay toddobaadyo ka hor tagaan dugsiga Daryeel ee ku yaalla xerada uu deggan yahay. Carruurta oo uu sagaal jir ugu weyn yahay, dhammaantoodna dhigta fasalka koowaad ayuu kiiba bil kasta ka bixin doonaa $5.

Carruurta qoysaska soo barakacay waxaa ku adag helista nolosha aasaasiga ah, iskaba daa waxbarashadee. Laakiin Cabdinuur oo horay rootiga u iibin jiray, kana heli jiray wax ka yar nus doollar oo aan nolosha reerkiisa ku filneyn, hadda kama welwelo helista cuntada qoysaskiisa iyo kirada aqalka oo bishii ah 200,000 oo shilin ($5). Macaamiil ku filan ayaa maalin kasta ku soo booqatada dukaankiisa oo ku dhex yaalla xerada uu deggan yahay. Wuxuu iibiyaa raashin, baraf iyo bagaash.

Cabdinuur oo loo tababartay soo dhoweynta, wuxuu ka mid yahay 50 qof oo sanadkii hore uu xirfado baray ururka Sovoyodo – (Somali Volunteers Youth Development Organisation). Dadka uu ururkaas tababaro oo keliya ayaa hela fursadda maalingelinta. Bishii hore ayuu markii ugu horreysay bixiyay $70 oo lagula heshiiyay si uu bil kasta isaga yaryareeyo lacagta la deymiyay oo dhan $800. Mashruuca maxalliga ah ee (Help Leads to Hope - HLH) oo taageero ka hela hay’adda Mareykanka u qaabbilsan horumarinta Afrika (USADF) ayaa lacagta amaahiyay isaga iyo dhallinyarada kale oo rag iyo dumar isugu jira.

Agaasimaha hay’adda Sovoyodo, Cabdiweli Xasan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in labadii sano ee u dambeysay ay tababareen 150 dhallinyaro ah oo ay da’oodu u dhaxeyso 18 ilaa 35 jir, kuwaas oo 90 ay gabdho yihiin. Tiradaas 49 ka tirsan waa dad soo barakacay. Wuxuu tilmaamay in ay jecel yihiin mudnaanta inay siiyaan dadka soo barakacay, balse caqabad ay ka heysato maaddaama ay u badan yihiin dad aan horay wax u soo baran, fursaddanna loo bandhigo dad ugu yaraan qoraalka yaqaanna.

Dhallinyarada oo loo tababaro xirfado kala duwan ayaa wixii ka horreeyay Oktoobar 2016 oo ay maaligelinta ganacsi billaabatay waxaa qalab ay ku shaqeystaan heli jiray oo keliya kuwa la baro harqaanka iyo farmamada korontada. Laakiin kuwa barta howlaha guryaha iyo soo dhoweynta shaqo ayaa looga raadin jiray meelo ay ka mid yihiin xafiiysada dowladda iyo hoteellada.

Qaasim Maxamed Ibraahim oo isaguna ka mid ah dadka soo barakacay ee deggan xerada Boqolka Buush ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maalgelinta loo sameeyay ay u fududeysay inuu kobciyo ganacsigiisa. Dukaan uu horay u lahaa oo dhowr jeer ku sigtay inuu dhaqaale-yari u xirmo ayuu tilmaamay inuu hadda isbixiyo, lagana heli karo adeegyo dhameystiran.

“Markii hore haddii ay toban qof ii yimaadaan hal oo qof oo keliya ayaan  u heli jiray waxa uu rabo,  balse hadda tobon haddii ay timaato hal qof laga yaabaa in aan wax u waayo,” ayuu yiri Qaasim oo saddexdii maalinba mar u soo adeegta dukaankiisa tan iyo markii deynta la siiyay labo bil ka hor.

Leave comment