Shilinka Soomaaliga ee laga diiday Caabudwaaq oo saameeyay nolosha qoysaska danyarta iyo baracakayaasha

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirada/Ergo Photo | Keydka sawirada/Ergo

Radio Ergo 12 July, 2017 GALGADUUD

 

Billowgii bishan ayaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud laga joojiyay isticmaalka shilinka Soomaaliga. Goobaha ganacsiga ayaa badankooda iska xiran, halka kuwa furan lagu kala dukaameysanayo doolarka ama adeegga EVCplus.

Joojinta shlinka ayaa saameysay nolosha qoysaska barakaca ah iyo kuwa danyarta ah eek u nool magaalada.

Farxaan Maxamuud Xaashi, waa 48 jir, qoyskiisa waxa uu ka kooban yahay 8 qof. Waxa uu ku nool yahay xerada Garasle oo ku taalla Bariga degmada Caabudwaaq. Waxa uu xeradaas ka yahay horjooge.

Sanadkii 2014 bishiisii 4-aad ayaa Farxaan iyo qoyskiisa waxay ka soo qaxeen dalka Yemen oo uu ku noolaa muddo 18 sano ah. Markab uu ka soo raacay dekadda Makha ee dalka Yemen ayuu kaga soo degay dekadda Berbera. Kaddib waxa uu ku biirey kaamka uu hadda ku nool yahay.

Farxaan waxaan ku wareystay taleefanka, waxaam marka hore weydiiyay sida uu qoyskiisa u saameeyay shilinka soomaaliga ee laga diiday Caabudwaaq

Leave comment