Awdal: Carruurta la ildaran nafaqo-darro ka dhalatay abaaraha oo helay daaweyn iyo nafaqo-celin

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirrada/Ergo Photo | Keydka sawirrada/Ergo

Radio Ergo 06 July, 2017 AWDAL

 

(ERGO) - Intii u dhaxaysay bilihii Abriil iyo Luulyo ee sanadkan, waxa ay hawlwadeennada caafimaadka oo kaashanaya hay’adda caalamiga ah ee Badbaadada Carruurta ee degmooyinka Baki, Boorama, Lughaya iyo Saylac ee gobolka Awdal ayaa baaritaano caafimaad, daawayn iyo nafaqo celin ugu sameeyeen caruur dhan sodon iyo sideen kun oo ku nool miyiga ee gobolka Awdal. Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Muumin Muuse ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in carruurta baaritaankan caafimaad martay ay da’doodu ka yar tahay shanta sano.

 “6300 oo caruurtaas ka mid ah waxaa lagu arkay heerka dhexe ee nafaqadarrida, halka 837 ka mid ah caruurtaas la baadhay ayaa lagu ogaaday in heerkooda nafaqo-daro uu yahay mid ba’an. waxana caruurtan uu heerkooda nafaqo baro ba’an yahay ay ku nool yihiin degaano hoos yimaad degmada Boorama, iyaga oo markaas isugu jira, caruurta ku nool dhulka miyiga ah iyo caruur ka soo baro kacday degaanada bariga Somaliland oo ay abaaro ku dhufteen.”

Hawlgalkan baaxadda leh ee dhinaca gurmadka caafimaadka hooyada iyo dhallaan ah ayaa waxa ka qeyb qaadanaya koox caafimaad oo ah kuwa guur-guura oo tiradoodu dhan tahay 75 hawlwadeen oo ku qalabaysan dawooyin, buskudka nafaqo-celinta, iyo agabka lagu ogaado heerka nafaqo darada ilmaha. Kooxahaas caafimaad ayaa loo kala qeybiyay deegaanada howlahan caafimaad laga fuliyay ee gobolka Awdal. 

“Waxa ay ka shaqayn doonaan degaanada ka fog xarumaha caafimaad, kuwaas oo buuraley u badan ama masaafo aad u dheer u jira goobtii caafimaadka, taas oo dulucdu tahay in qofkasta meesha uu joogo ee miyiga fog ah loogu geeyo daawaynta,” ayuu yiri Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal oo sheegay in howshu caafimaad weli socoto.

Hawlwadeenadan caafimaad inta ay hawlgalkooda ku guda jiraan waxa qorshuhu yahay in ay ku xirnaadaan xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ah ee ugu dhaw deegaanka ay hawlgalka ka wadaan, iyaga oo markaas u soo gudbinaya bukaanada ay daawayntoodu u baahato xarun caafimaad.

Caruurta ku nool miyiga fog ee gurmadkan degdega ah ee daawaynta ah la gaarsiiyay ayaa waxa xusid mudan in xaalada nafaqo daro ee haysta ay tahay mid ka dhalatay maanta abaaro sanado is xigay ku habsaday gobolka Awdal. Abaarahaas oo noqday kuwo sahayday badi xoolahii dadka reer miyiga ah ay noloshoodu ku tiirsanayd, meeshana ka saaray helitaanka cuno nafaqo leh oo caruurta lagu quudiyo iyo sidoo kale helitaanka biyo nadiif ah oo la cabo.

Xaliimo kaahin subagle waa hooyo 37 jir ah oo ku dhaqan miyiga riiga kalawle oo masuufo dhan 18km oo jihada koonfur ah ka higa magaalada lughaya, xaliimo qoyskeeda oo ka kooban 5 caruur ah, xoolahii ay lahaayeen oo dhanaa hal tiro iyo bar adhi ah ay aabaartu ka reebtay 20 neef oo kaliya, iyada oo markaas dib u milicsanaysa waayaha ay ka dhaxashay abaarta  iyo waxa ay maanta ku noolyihiin  ay radio ergo u sheegatay

Si kataba ha ahaatee, caruurta fursadan heshay ee ku nool gobolka Awdal ayaa qayb yar oo kaliya ka noqonaysa caruurta u baahan in laga daaweeyo Nafaqadara iyo xanuunada ka dhasha ee caruurta asiiba marka ay dadka ku raagaan abaarahu, waxana ay tani soo shaac-bixinaysaa baahida loo qabo in barnaamijyada noocan oo kale ah ee gurmadka degdega ah la sii kordhiyo si loo badbaadiyo Hooyada iyo Dhalaanka ku dhaqan gobolka Awdal iyo Guud ahaan gayiga Soomaaliyeed oo masuubada abaartu ay si isku mid ah u taabatay.

Leave comment