Xoolo-dhaqato abaarta iyo roob-yarida uga barakacaya Buurdhuubo

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Keydka sawirrada/Ergo Photo | Keydka sawirrada/Ergo

Radio Ergo 29 June, 2017 BUURDHUUBO

 

(ERGO) - Axmed Cabdi, wuxuu markii labaad sanadkan gudihiisa ka barakacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo oo aan roob fiican helin intii lagu jiray xilligii gu’ga. Wuxuu 102 neef oo lo’ ah ula hayaamay degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe oo u jirta 205 km, halkaas oo roobka uu ka dhigay meel daaq iyo biyo leh. Buurdhuubo oo aan roob ku filan helin muddo saddex sano ah waxaa kuleylka abaarta u dheer go’doomin ay saartay Al-Shabaab, waxayna dadka deggan oo u badan xoolo-dhaqato billaabeen inay bishan Juun u barakacaan degmooyin ka tirsan gobollada Bay iyo Jubbada dhexe oo roob helay gu’gan.

Wuxuu weriyaha Raadiyo Ergo oo la kulmay xilli ay ka soo gudbeen buundada Baardheere u sheegay in iyaga oo 20 qoys ah ay muddo saddex maalmood ah soo lugeynayeen. Waxay dhexda uga soo tageen 30 lo’ ah oo socon kari waayay markii ay abaarta tabar-darreysay. Wuxuu horay u soo kaxeystay saddex wiil oo uu dhalay si ay lo’da ula xanaaneeyaan, laakiin afar qof oo kale oo ka tirsan qoyskiisa oo 4.5 milyan oo shilin Soomaali ah ($204.5) uu ugu iibiyay neef lo’ ah, wuxuu uga soo tagay Buurdhuubo oo uu xusay inay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Axmed ayaa bishii Maarso ka soo noqday Saakow oo uu u barakacay billowgii sanadkan, isaga oo rajeynayay in xilliga gu’ga oo ku beegnaa Abriil uu ka faa’ideysto haddii uu roob ka da’o deegaankiisa. Laakiin markii uu taas ku hungoobay wuxuu bishii May 3.5 milyan ($135) ku kireystay beer ku taalla webiga jiinkiisa, waxaana lacagtaas loo qaatay neefka ugu fiicanaa xoolihiisa. Hase yeeshee markii ay u caddaatay in ay abaartu sii dheeraaneyso ayuu go’aansaday inuu u barakaco meelaha uu roobka fiican ka da’ay.

Lo’du way u nugushahay harraadka iyo gaajada, inkasta oo lagu dhaqan karo webiga hareerihiisa, haddana waxaa xoolo-dhaqatada ku adag helista dhaqaale ay ku kireysan karaan beeraha ay daaqa ka dhigan karaan.

Saddexdii bilood ee u dambeysay waxa uu sare-u-kac ku yimid qiimaha raashinka. Kiishka sokorta ah oo ahaan jiray 550,000 oo shilin ($25) wuxuu hadda marayaa hal milyan oo shilin ($45). Loorka bariiska ah oo ahaa 400,000 ($18) wuxuu gaaray 800,000 ($38). Badeecooyinka oo si dhuumaaleysi ah lagu gelin jiray degmadan oo go’doonsan muddo saddex sano ah ayaa lagu kordhiyay cadaadiska, iyadoo dhowr jeer la gubay gaari-dameerro waday raashin sida uu noo sheegay Maxamuud Xasan oo ah 78 jir ku nool Buurdhoobo. “Xaaladdeenna maanta mar ay ka xun tahay ma jirto,” ayuu telefoonka ugu sheegay weriyaha Ergo ee Baardheere.

Maxamuud oo dukaan uu lahaa uu bishii Abriil xirmay markii ay deymaha soo celin waayeen dadkii uu ku lahaa oo ay abaarta saameysay, qaarkoodna ka barakacay deegaanka, ayaa hadda nolosha qoyskiisa oo ka kooban 11 qof ku maareeya lacag $150 ah oo ay bil kasta u soo diraan dad ehelkiisa ah oo dibadda jira. Wuxuu ka walaacsan yahay dadka danyarta ah ee halkaas ku haray inay u dhintaan gaajo iyo macluul, maaddaama uusan jirin gurmad bani’aadannimo oo la gaarsiin karo.

Dhinaca kale, Xaaji Ladane Ismaaciil oo ah madaxa Guddiga Caafimaadka ee Buurdhuubo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in nolosha adag iyo abaaraha is biirsaday ay degmada u dheer yihiin cudurrada shuban-biyoodka, malaariyada iyo oofwareenka oo ay hadda u jiifaan 43 qof. Waa dawo la’aan isbitaalka degmada oo siddeed bil ka hor laga jaray kaalmo uu ka heli jiray hay’adda Trocaire, waxayna dadka bukaannada keensada ku qabsan yihiin inay dawada ka  iibsadaan farmashiyeyaasha oo ay gabaabsi ku sii tahay.

Leave comment