Webiga Shabelle oo ku fatahay tuulo ka tirsan Jowhar

  • +1
  • Daabaco
  • Email ku dir
Waar ka mid ah dadka ku barakacay fatahadda/Sawir/Maryam/ERgo Photo | Waar ka mid ah dadka ku barakacay fatahadda/Sawir/Maryam/ERgo

Radio Ergo 18 May, 2017 SHABELLADA DHEXE

 

Waxaa weli cidla daadsan 26 qoys oo ku barakacay fatahaad uu webiga Shabellee ka sameeyey tuulada Maandheere oo Jowhar 17kma u jirta, kana xigta dhinaca koonfur bari. Fatahaadda oo socota maalintii 13aad ayaa keentay in qayb ka mid ah tuulada oo godan ah  ay noqoto mid biyo dhex jiifta.

Tuuladaan oo dadka ku nooli yihiin beeralay, ayaan waxba  laga beeran laba xilli abaarihii jiray darteed, ayaa fatahaaddu wakhtigaan waxay xaaqday dalagyadii xilligaan gu'ga u beerraa. Siduu sheegay Saalax Muxumad oo ah gudoomiyaha tuulada Maandheere  1500 oo higtar oo beero ay ku beeraayeen dalagyo ay ka mid yihiin geley, sisin, digir iyo khudaar uu daadku xaaqay.

Warbixintaa Maryan Sheekh Cabdi ayaa Jowhar ka soo dirtay. 

Leave comment