Hay’adaha gargaarka dunida ayaa qaylo dhaan ka soo saaray dhaqaalaha gurmadka bani’aadanimo loo helay sanadkaan oo kala bar ay tagtay inuu aad uga yaryahay intii loo baahnaa si loo gargaaro malaayiin qof oo dunida dacaladeeda ku dhibaataysan.
Waxay hay’aduhu sheegeen in 26 bilyan oo dollar oo sanadkaan 2018 la codsaday laga helay boqolkiiba 35 keliya. Soomaaliya waqtigaan waxaa gargaar u bahan dad ka badan 5 milyan 400 oo kun oo qof.
Sayid Cali Cabdi Siyaad waa madaxa hawlgalka ee hay’adda gudiga qaxootiga Norway ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo ku sugan Muqdisho ayuuna khadka telefoonka ugu waramay Maxamed Xasan oo ka tirsan Ergo, wuxuu ka wareystay sida jawaabta yar ee ka timid deeq bixiyayaasha ay saameyn ugu yeelatay hawlihii lagu gargaaryey dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo colladahu ay saameeyeen.