(ERGO)-Tacabkii 550 beerood oo ku yaalla degmada Sallaxley, oo 80KM dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Hargeysa ayaa ku baaba’ay cayayaan iyo diir miraha iyo geedaha cunaysa oo ku dhashay dalagii beerahaas.
Dalaga khasaaray ayaa la abuuray bishii Abriil iyo May ee sanadkan, xilligii uu da’ayey roobkii Gu’ga oo si wanaagsan uga da’ay Sallaxley.
Nooca diirta ku dhalatay dalagyada beeraha waxaa ay ka timid dalka Peru ee laatiin Ameerika, waxayna la socotay abuur laga keenay Yurub, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Mustafe Cabdiqaadir oo ah khabiir dhinaca beeraha ah, oo ka shaqeeya qeybta beeraha ee hay’ada arrimaha bani’aadamnimada u qaabilsan dalka Jarmalka ee GIZ.
Wuxuu xusay in aanay jirin dawo lagu baabi’iyo diirtaas, balse waxa keliya ee nooca cayayaankan looga hortagi kara ay tahay in 75% dalagyada beeraha lagu dhex-beero kamsarada iyo xulbada si cayayaanka uga dheeraado urta dhirtaas.
Cumar Warsame Nuur, wuxuu kamid yahay beeraleyda Salaxley ee beerahoodu saameysay cayayaankan. Waa aabaha qoys ka kooban 17 qof oo isugu jira labadiisa xaas iyo carruurtiisa oo noloshooda ay ku tiirsan tahay wax soo saarka beertiisa.
Waxaa ka khasaariy dhul beereed dhan toddobad hektar, oo uu ku beeray yaanyo, qaji, batiikh, galley iyo digir. Dalagaas oo uu filayey in uu soo go’i lahaa dhamaadkii bishii hore ee Juun iyo billowgii bishan ayuu geliyey $1,500 oo kaga baxday qodaalka beerta iyo shaqaalaha qabanayay shaqada beerista.
Lacagta uu beerta geliyey, wuxuu ka soo amaahday shirkadda Dahabshiil waqtigii uu roobka curtay. Cabsi ayey ku beertay dalagyada ka baaba’ay, waxaa uu ka welwelwsan yahay sidii uu isaga bixin lahaa amaahda iyo lacagta dhan $220 oo ay ku leeyihiin shaqaale lix ah oo ka howlgalayay beerta.
Cumar Warsame Nuur, ayaa sheegay in $5000 uu ku qiyaasay lacagta uu ka sugayay dalagyada u soo go’i lahaa, taas oo lamid ah faa’iidada uu sanadkii hore ka goostay beertiisa Wuxuu tilmaamay in khasaaraha soo gaaray uu yahay kii ugu horreeyey oo noociisa oo kale ah muddo 30 sano, oo uu ahaa beeralay.
Guddoomiyaha iskaashatada beeralayda Sallaxley, Xaamud Cabdilaahi Ismaaciil ayaa sheegay, in dalaga ku baaba’ay cayayaanka lagu qiyaasayo in ay ku kaceysa lacag gaareyso $150,000. Wuxuu xusay in tani ay rajo beelisay beeraleyda, oo markaas uun u diyaar-garoobayey in dalagu u soo go’, ayna iib-geystaan.
“Dadka abaar ayaa heysay markii roobku da’ay ee ay wax beereen. Meel kasta waan u marnay si loola tacaalo tacabka xumaaday, balse waxba waan u waynay aan ku sameyno. Suntii beer loo isticmaalayay waan wada keenay, waxbana wali isma beddelin,”ayuu yiri.
Beeraleyda deegaanka, isku si ayey u saameysay arrintan. Daahir Cismaan Guuleed oo beeraleydaas kamid ah, muddo labo toddobaad ah kama uusan shaqeynin dhul afar hektar ah oo uu ku tabcay tamaandho iyo galley. Waxaa dalagii beerta baabi’iyey diirta iyo cayayaanka.
Muddo afar bilood ah ayuu shaqada beerta subax kasta u kalahayey, waxaana tacabkeeda ka gashay $400, lacagtaas waxaa ka bixiyay walaalihiis oo magaalada Hargeysa iskaga soo ururiyay si roobka Gu’ga uga faa’ideysto, tacabna u beerto.
Daahir Cismaan Guuleed waa aabaha lix carruur ah, wuxuuna qoyskiisa ka biili jiray wax soo saarka beerta. Waxaa uu sheegay in hadda lagu leeyahay deyn dhan $300, oo boqol kamid ah ay ku leeyihiin labo nin oo beerta uga shaqaynayay.
“Waxaan carruurtii siiyo ma aqaan, raashinkii aan u soo amaahan jiray ayaaba lacagtiisii la igu leeyahay. Bishaas curatay oo cunnadii aan usoo qaaday ka dhamaanayso ma garanayo meel aan ka doono”
Waa khasaarihii ugu adkaa ee Daahir ka soo mara beertiisa, muddo toddoba sano ah oo uu ku howlanaa tacabka beeraha. Sanadkii hore dalagyada u soo go’ay waxaa uu ka helay $2,300.
Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe, oo ah isku-duwaha wasaaradda Beeraha ee gobolka Maroodi-jeex ayaa Raadiyo Ergo u sheegay, in ay ka warqabaan diirta ku dhalatay dalagyada. Waxaa uu tilmaamay in markii ay soo gaartay cabashada beeraleyda ay saddexdii bishan u direen Sallaxley koox khuburro dhinaca beer ah, oo xog ururin ku sameysay beeraha uu cayayaanka saameeyey.
Wasaaradda ayuu sheegay in ay qorsheyneysa in maalmaha soo socda ay qaado tallaabo ay kaga jawaabeyso dhibaatada ka dhalatay cayayaanka beeraha waxyeeleeyey.