(ERGO) Afar iskuul oo bixiya waxbarsharasho bilaash ah ayaa fursad siiyey carruuraha qoysaska ku soo cayrtoobay abaarihii ka dhacay Galgaduud sanadkii tegey. Iskuuladaan laba waxay ku yaalaan Gurceel, halka labada kale ay ku yalaan tuulada Caano oo 33 km u jirta Gurceel.
Tirada carruurtan ee goobahan waxa ka barata ayaa ah 1370 oo la baraa madooyinka dugsiyada hoose iyo dhexe, waxayna wax ku bartaan manhakja Dowladda Federalka ee cusub. Carruurtan ayaa 425 ka tirsan ay yihiin kuwa qoysaskoodu ay magaalada soo galeen markii ay dhaafeen xoolihii ay dhaqan jireen.
Maamulaha guud ee iskuulka Baxru Nuur oo ka mid ah goobahaan Macalin Maxamed Cali Jimcaale ayaa sheegay in firkirkan yahay in carruurta aan iska bixin karin waxbrashada loo helo tacliin bilaasha ah.
“Waxaa ku baxay dhismihii iyo furistii iskuulkaan dhaqaale gaaraya 19 kun oo dollar oo ay iska ururiyeen ganacsatada Guraceel, ayaga ayaa gudiyo sameyay lacagta soo ururiya markaas ayey maamulka iskuulka ku warejiyeen, Waxaan ka soo xulnaa carruurta aan waxbarashada siinayno qoysaska aad saboolka u ah” Ayuu yiri Maxamed.
Wuxuu sheegay inay xaafadaha u xilsaareen guddi dhex mara, soona ogaada waxay ku sugan yihiin qoysaska, kuwaasoo soo gubiya kuwa igu liita ee u baahan in laga caawiyo dhanka waxbrashada.
Xalwo Xasan waa hooyo heysata 8 carruur ah oo agoon ah, waxaana 4 ka tirsan carruurteda ay fursad ka heleen Dugsiga Barxu-Nuur. waxay sheegtay in markii la furayba ay ka war heshay sidaana ay ku geysay carruurteeda.
“Lacag waxbarashada looga bixiyo ma anan u heyn markii la furay hal isbuuc oo kale ayuu naga horeyay markaas ayaan keenay goormee? waxbarashadoda waa ay fiican tahay xilli la kala gudbana lama gaarin iskuulkan. Dharka iyo buugaagta ayaan u iibiyaa carruurta”
Xalwo iyo dadka kale ee carruurtoodu waxbarashada la siiyey waxay iska bixiyaan qarashka buugaagta iyo kam dharka iskuulka. Waxay Xalwo oo iibisa caanaha ay sheegtay in dharka iskuulka iyo buugaagta afar carruurteeda kamid ah ay uga baxday 52 doolar, oo 30 doolar oo kamid ah uu ku taageeray carruurta adeerkood oo baqaar ganacsi ku leh Guriceel.
Carruurtaan Xalwo Xasan waa agoon, aabahoodna wuxuu geeriyooday laba sano ka hor. Waxaa carruurta ka istaagay waxabrashada geerida abbahood kadib. Hadda ayey fursad u heleen inay helaan waxbarasho. Carruurtan ayaa kaliya dugsi qur,aan dhigan jira markaas oo qorshuhu ahay in la geeyo marka ay qur,aanka dhameyan laakiin intii ay qur,aanka baranayeen ayuu aabahod u geeriyoday xanuun beerka ka hayay muddo kooban.
Abaarihii qeybo badan oo dalka kamid ah ku soo noq-noqday dhowr sano oo is-xig-xiga waxay dhaliyeen in xoolo dhaqato badan oo Soomaaliyeed ay ku ceyroobaan, taasna ay keentay in ay ka guuran miyiga oo ay u wareegaan dhinaca magaalada.
xoolo-dhaqatadu waxay magaalooyinka ka sameystaan nolol cusub.