In ka badan 800 oo arday oo wax ka baranayay dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo ku yaalla Tukeraq iyo tuulooyin ka tirsan ayaa waxbarasho la’aan ah tan iyo markii ay colaadda ka dhacday deegaankaas.
Qaar ka mid ah ardaydaas waxay imitixaanka shahaadiga u fariisan lahaayeen 30-kii bishii Juun ee la soo dhaafay, sida uu warbixintaan ku faahfaahinayo weriyaha Ergo ee gobolka Sool, Faarax Dubbad.