Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore soo saartay warbixin ay kaga hadleyso tacaddiyo ka baxsan xuquuqda aadanaha oo ka dhacay xabsiga Jeel Ogaadeen ee ku yaalla magaalada Jigjiga.
Tacaddiyadaas ayay hay’addu sheegtay in ay aad u ballaaran yihiin, waxayna ku eedeysan in ay ku kaceen ciidamada Liyuu Booliis ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Haddaba waxyaabaha warbixintan ku qornaa iyo sida ay ku ogaadeen ayaan ka wareysanay Cabdullaahi Xasan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Human Rights Watch, qeybteeda Afrika. Maxamed Xaashi Tawakal ayaa marka hore weydiiyey in uu faahfaahin ka bixiyo warbixinta.
Dhanka waxaa baraha bulshada lagu faafiyay magacyo dad la sheegay in laga sii daayay xabsiga ku yaalla magaalada Jigjiga, iyadoo warbaahinta qaarna ay sheegtay in masuuliyiinta Kililka shanaan ee Itoobiya ay sheegeen in ay albaabada u laabeen xabsiga isla markaana laga sii daayay maxaabiistii ku xirnayd.