Hiiraan: Cayayaan ka dhashay fatahaadda oo baabbi’iyay dalagyada beeraha 40 tuulo

0
101
Photo|Keydka/Ergo

Labo kun iyo shan boqol oo hiktar oo ah beero  ku yaalla 40 tuulo oo ku teedsan webiga shabeelle waqooyigana ka xiga magaalada Beledweyne ayuu baabbi’iyay cayayaan saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay madaxa arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali.

Dadka ku nool tuulooyinkaas ayaa ku tiirsan wax soosaarka beero isugu jira kuwa waraab ah iyo kuwa roobka ku baxa, laakiin saameynta ugu badan wuxuu cayayaanku ku yeeshay beeraha ku tiirsan waraabka ee ku yaalla hareeraha webiga.

Cayayaanka oo beeroleydu sheegeen inay u yaqaannaan “juruf” ayaa cunaya dalagyada sisinta, masegada, galleyda, digirta iyo qudaarta. Tuulooyinka lagu arkay cayayaankaas waxaa ka mid ah Maxamuud-gacal, kabxanley, Bacaad, Jeerrey, Deefow, Nimcaan, Garaash, Baac-yar, Shinniile, Qooqane, Lafoole, leebow, iyo Tuulo-hiiraan. Cayayaankaas wuxuu saameeyay beerihii ay dabayaaqadii bishii May ka baxeen biyihii uu webiga ku soo fatahay, waxaana la abuuray muddo hal bil laga joogo.

Cali Sheekh Maxamuud, oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeroleyda tuulada Leebow, oo Beledweyne u jirta 13 km, wuxuu ka mid yahay beeraleyda uu cayayaanku aad u saameeyay. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in beertiisa oo saddex hektar ah uu dhammaan ka cunay dalagyadii u beernaa.

“Beeraha leebow waxaa la jooga xiligii dalaga uu jilbaha soo gaarayay oo uu si fican u bixi lahaa ayay jogta hadana waxad mooda in beerta waxba ku talalneen oo cayayaanka ayaa saxariiriyay oo meshii uu geedka ka hana qaadi lahaa ayuu ka cunaya abuurka wax daawo ahna looma haayo,waayo qarashkii aan ku abuuray beerta ayaa wali deynteeda leygu leyahay”,ayuu yiri Cali.

Wuxuu sheegay in dhaqaale la’aan darteed uu u iibsan waayay daawo ama sun uu ku buufiyo cayayaanka, isla markaana uu waayay meel uu ka qaato deyn maaddaama lagu leeyahay 700 oo doolar oo ah qarashkii uu ku tacbay beerta, waxaana ugu abuurnaa galley, maseggo, qare iyo yaanyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cayayaanka uu si isku mid ah u saameeyay tuuladiisa oo ay ku yaallaan beero cabirkoodu dhan yahay 150 hektar oo ku tiirsan webiga. Tuulada Leebow waxaa ku nool 120 qoys oo dhammaantood beeraley ah.

Luul Cabdi Xasan, oo ka mid ah beeraleyda tuulada Shiniile oo Beledweyne u jirta 15 km, wuxuu cayayaanka ka cunay dalagyo qudaar, maseggo iyo galley isugu jira oo ugu tacbanaa beer labo hektar bar ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in cayayaanka uu rajo beel ku riday oo dhammaan uu baabi’iyay wixii u tacbanaa.

Beerta Luul, waxaa ku tiirsanaa toddobo carruur ah, waxayna Raadiyo Ergo u sheegtay in xilligaan ay ku adagtay tahay helista nolol maalmeedka. Waxay xustay in reerkeeda ay maalinti hal waqti wax cunaan, cuntadaas oo ah keyd yar oo uga haray kaalmo raashin ah oo ay xilligii ay fatahaadda jirtay  ka heleen hay’adda WFP.

Waxay beerteeda tacabtay horraantii bishii la soo dhaafay ee Juun, markii uu qallalay dhulkii ay fatahaaddu ka gashay. Waxay sheegtay in cagaf-cagaf ay si dayn ah ugu ku fashay beerteeda, oo ay rajeynaysay in marka ay dalagyada u soo go’aan ay iska bixin doonto deynta falka iyo abuurka oo gaareysa 500 oo doolar.

Siid Cali oo ah beeraley ku nool tuulada Baac-yar oo 26 km u jirta magaalada Beledweyne, wuxuu la dagaallamayaa cayayaanka oo uu ku buufiyo sun. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inuu khasaaray dalag uu ku qiimeeyay 800 oo doolar, welina kama uusan quusan beertiisa oo wuxuu rajo ka qabaa in daawada uu ku buufinayo ay wax ka tari doonto waxyeellada cayayaanka.

Dalagyada uu cayayaanka cunayo ayaa marka la buuro waxay ku soo dhashaan muddo saddex ilaa shan cisho u dhexeysa, cayayaankuna wuxuu cunaa iyagoo markaas un soo dhashay.

Cabdixakiin Cumar waa aqoonyahan cilmiga beeraha ka dhiga jaamacadda Hiiraan ee Beledweyne, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in cayayaankaan galay beeraha uusan ahayn mid ku cusub deegaanka. Wuxuu tilmaamay inuu beeraha galo xilliga u horreeya ee dalagyadu ay soo dhashaan.

Aqoon yahan Cabdixakiin ayaa tilmaamay in cayayaankaan uu yahay nooc la arko xilliyada fatahaadaha, isla markaana ay keenaan biyaha ka yimaada dhanka Itoobiya ee uu keeno webiga, isaga oo xusay in xalka keliya ee beeraleydaas ay dalagyadooda uga badbaadin karaan cayayaankaas uu yahay in lagu buufiyo daawooyin lagula dagaallamo cayayaanka.

Beeroleyda uu cayayaanka ka galay dalagyada u beeran ayaa wajahaya khasaare fasalkii labaad ee ay abuurtaan sanadkaan. Fasalkii hore waxaa ka khasaariyay fatahaaddii uu webiga shabeelle sameeyay bartamihii bishii Abriil ee sanadkaan.

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here