Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, gobolka waqooyi-bari ee Kenya tiro dhallinyaro oo bartay xirfado uu cilmiga caafimaadka kamid yahay ayaa hadda ku shaqeysta xirfaddaas.
Guud ahaan xeryaha waxaa dhallinyarada ka baxda dugsiga sare ay ka cawdaan shaqo la’aan, taasoo loo sababeeya fursadaha shaqo ee xeryaha oo xaddidan, iyo dhallinyarada oo xitaa aanan helin karin jaamacado si ay u sii wataan waxbarashadooda.
Haddaba warbixin ku saabsan dhallinyaradan ka faa’iideysaneysa xirfadaha la baray, waxaa noo haya weriyaha Raadiyo Ergo ee Xagardheer Axmed Cabdullaahi Jaamac.