(ERGO) – Doon yar oo ambalaas ah oo ay leedahay wasaaradda caafimaadka ee Puntland, ayaa khafiifisay dhibaatadii ay bulshada ku nool Cadaado iyo deegaanno hoostaga ka mari jireen in bukaan halis ku jiro la gaarsiiyo Boosaaso.
Ilaa bishii Abriil ee sanadkaan oo doontaas ay shaqeynayso waxaa isbitaalka Boosaaso lagu geeyay lix bukaan oo saddex ka mid ay yihiin haween uur lahaa oo dhalmada ay ku adkaatay. Hay’adda badbaada carruurta ee Save the Children, ayaa bishii Maarso ee sanadkaan doonta ugu deeqday wasaaradda.
Hooyada dhaleysa ee gasha xaaladda degdegga ah, oo wax looga qaban waayo isbitaalka Caluula waxay ku qaadan jirtay in Boosaaso in la geeyo wax ka badan 30 saacadood oo ah waqtiga uu sii socon karo baabuurka dheereeya, ama in loo helo kharashka doon kuwa kalluumeysiga ah oo ay ku cayso kiradeeda wax ku dhow kun doolar.
Degmada Caluula waxay ku taallaa halka ay iskaga darsamaan badaha gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya, waxayna Boosaaso u jirtaa qiyaas ka badan 430 km. Waddada u dhexeysa Boosaaso iyo Caluula waa buuro dhagaxyo ah iyo togag ay ku adag tahay socodka dadka iyo gaadiidka.
Hooyooinka qaar inta ay sii saaran yihiin gaadiidka dhulka mara, waxay wajihi jireen khataro. Intooda aan awoodin kharashaadka doonta ama gaadiidka kale waxay ku khasbanaayeen inay ku umulaan isbitaalka Caluula iyagoon ka heli karin dhammaan adeegga ay ubaahan yihiin.
Caluula iyo deegaannada xeebaha ku teedka ee hoostaga dadka ku nool ma haystaan dhaqaale buuran oo ay mar walba suuragal ugu tahay inay ugu safraan Boosaaso marka ay xaalad caafimaad oo degdeg ah qabsato.
Laakiin hadda doonta ambalaasta ah ayaa loo isticmaalaa in lagu badbaadiyo bukaannada gargaarka degdegga ah u baahan iyo hooyada ay dhalmada ku adkaato.
Doonta oo ah mid dheeraysa waxay ku qaadataa inay ku tagto Boosaaso oo Caluula u jirta 170 mayl oo dhanka badda ah muddo 6 saacadood.
Afar dumar ah ayaa adeegga doontaan ambalaasta oo bilaash ah lagu caawiyay labadii bilood ee la soo dhaafay markii ay foosha ku adkaatay. Saddex qof oo kale oo mid isagoo xiji guraya ka soo dhacay buur iyo labo qof oo qabay dhaawacyo toorrey ah, oo u baahnaa qalliimo degdeg ah ayaa sidoo kale doontaan lagu keenay Boosaaso.
Farxiyo Maxamed Axmed, oo ah hooyada shan carruur ah ayaa ka tisan hooyooyinka lagu caawiyay doonta. Waxay deggan tahay degmada Xaabo oo ka tirsan degmada Caluula. Waxay 20 cisho ka hor ku umushay isbitaalka Boosaaso oo lagu keenay doonta, kaddib markii ay saddex maalmood ku foolaneysay isbitaalka Caluula.
Waa ilmihii saddexaad ee ay ku umushay isbitaalka Boosaaso, iyadoo mar kasta oo ay dhalaysay ay ku adkaan jirtay foosha. Labo jeer oo hadda oo doonta ay caawisay ka horreysay waxaa halki marba Boosaaso lagu keenay 800 oo doolar oo loogu soo kireynayay doon kuwa kalluumeysiga ah.
Farxiyo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in dhakhaatiirta isbitaalka Caluula ay u sheegeen inay qabto dhiig-karka haweenka ku dhaca xilliga uurka, sidaas darteedna aan xaaladeeda wax looga qaban karin halkaas oo Boosaaso sidaas loogu soo gudbiyay.
Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Gardafu ee Puntland Dr. Aadan Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isbitaalka Caluula oo si bilaash ah ay bil walba ugu umulaan in kabadan 30 haween ah uusan lahayn adeeg dhammeys tiran oo ay ka heli karaan bukaannada qalliinka u baahan iyo hooyada dhaleysa ee ay foosha ku adkaato ama xaalad kooma ah gasho.
Sidoo kale isbitaalka waxaa adeeg caafimaad u raadsada bulshooyinka ku nool 80 tuulo oo hoostaga degmada.
Aamina Jaamac waa kalkaaliso sare oo ka howlgasha isbitaalka Caluula, waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in doontani ambalaaska ah ay fududeysay adeegyada caafimaad ee gobolka iyo isku-xirka isbitaalka. Tuulooyinka xeebta ku teedsan eek a tirsan Caluula ayaa sidoo kale doontaas lagu gaarsiiyaa tallalka, waxaana ay doonta ka soo qaaddaa bukaannada u baahan in la keeno isbitaalka.
Deeganada durugsan ee Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari ayaa u badan buuralay aan lahayn wadooyin wanaagsan oo la isticmaali karo, mana jiraan adeegyo caafimaad oo dhammeys ah oo laga heli karayo.