Cadaado: Kumannaan carruur ah oo waxbarasho laáan ku heyso xeryaha barakacayaasha

0
186
Sawir/Maxamed Dhagacadde/Cadaado/Ergo

Shuceyb Nuur Xasan oo ah wiil 9 sano jir ah. Weligiis waxba muusan baran oo qoyskooda waxay ahaayeen reer miyi abaartii ka hor. Muddo sanad iyo saddex bilood ah ayay joogaan magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud. Waxa uu ka mid yahay kumannaan carruur ah oo deggan xeryaha barakacayaasha magaalada sida ay Raadio ergo u sheegeen horjooge-yaasha xeryaha.

Carruurtan oo xoolo-raacato ahayd ma aysan helin waxbarasho cid ku caawiso, maaddaama qoysaskoodu aysan awoodin inay ka bixiyaan waxbarashada dugsiyada ku yaalla magaalada oo lix ah islamarkaana lacagtoodu tahay $4 ilaa 11.

Waxay ka soo jeedaan qoysas deggan saddex xero oo kala ah Kulmiye, Daryeel iyo Karaama, kuwaas oo ay tiradooda gaareyso 1,826 oo qoys. Waa xoolo-dhaqato abaaraha ku cayroobay, oo labadi sano ee la soo dhaafay ka soo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

 “Iskuul la ima gaynin, waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo dhakhtar ama macalin, waa wax fiican waxbarashada, waxaan is dhahaa Alla yaa ku geeya iskuul, waan jeclaan lahaa inaan waxbarto”, ayuu yiri Shuceyb.

Shuceyb qoyskooda oo ka soo barakacay sanadkii 2017-kii miyiga deegaanka Dac-dheer oo 75km Waqooyi-bari kaga magaalada Cadaado, una dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Markii uu miyiga joogay wuxuu raaci jiray xoolaha, laakiin hadda waxba ma qabto waxna ma barta oo isaga iyo labo carruur ah oo la dhalatay waxay la cayaaraan carruuraha kale ee xerada ay wada deggan yihiin.

160 neef oo ari ah iyo labo Awr ayay ku dhaqan jireen miyiga, waxayna dhammaan uga le’deen abaar saddex sano ka jirtay miyigoodi. Nolosha qoyskooda ee hadda waxay ku tiirsan tahay shaqooyin dhagax jebis iyo qodista musqulaha oo mararka qaar uu Shuceyb aabihiis Nuur Xasan ka soo qabto magaalada wuxuu ka helaa $3 maalmaha uu shaqada helo taas oo uu cidda ugu soo iibiyo raashin ay hal mar cunaan.

Axmed Cabdi Cismaan oo ah bare jaamacadeed, oo joogo magaalada Cadaado ayaa sheegay in mustaqbal aan wanaagsaneyn ay jiilka carruurtaas ku hoggaamin karto waxbarasho la’aan. Isagoo xusay inay halis u yihiin inay ka mid noqdaan kooxaha amnidarrada ama khatar kale oo naftooda ah ay ku dhici karaan.

Waxay u nugul yihiin carruurtan inay tahriibaan oo dalal kale ay u hayaamaan, in lagu shaqeysto oo iyagoo yaryar ay shaqo billaabaan oo xuquuqdoodi lagu tunto, marka ilmahaas badan ee aan haysan waxbarashada oo waalidkina uusan shaqo iyo dhaqaale haynin waxay sii badin doontaa xaaladda faqriga ah ee dalka ka jirta”, ayuu yiri Axmed.

Wuxuu tilmaamay in xalku uu yahay in carruurtaasi loo helo fursado ay wax ku bartaan si loo badbaadiyo mustaqbalkooda, xalkaasna uu yahay mid si wada jir ah looga baahan yahay inay u raadiyaan dowladda federaalka, hay’adaha gargaarka iyo ururrada bulshada rayidka

Cabdifataax Cabdullaahi Xaashi, waa aabbaha 11 carruur ah oo deggan xerada Karaama ee magaalada Cadaado. Toddobo ka tirsan carruurtiisa oo kan ugu wayn jiro 13 sano ayaan waxba baran, dhaqaale la’aan haysata iyo xerada uu ku nool yahay oo aan lahayn xarun waxbarasho oo bilaash ah dartood.

Cabdifataax ayaa sheegay in welwel uu ku hayo mustaqbalka carruurtiisa haddii ay waxbarasho la’aan sii ahaadaan, isagoo ku jiro xaaladdan barakaca cid caawisana uusan helin, isagoo xusay in xitaa laga yaabo inay isbaaro dhigtaan haddii aysan wax baran.

 Wuxuu intaas ku daray inuu waqti badan ku bixiyo ka war-haynta carruurtiisa, halka waqtiyada qaarna uu fursado xamaal ah u doonto suuqyada magaalada Cadaado, si uu biilka reerka u soo helo. Maalinti uu fursad xamaali ah helo wuxuu helaa ugu badnaa $3 oo u dhiganta 90 kun oo shilin Soomaali ah. Lacagtaas waxay u goysaa bariis, bur iyo sokor min hal kilo ah, saliid iidaan ah iyo caleenta shaaha ay ku darsadaan. Laakiin maalmaha uu shaqo waayo ayuu xusay in dukaamo ay macmiil yihiin ay ka soo deynsadaan raashinka.

Baadiyaha biyo-guduud oo 20 km Waqooyi-galbeed ka xigto Cadaado ayuu ku dhaqan jiray 60 neef oo Ari ah. Abaarta oo deegaankiisa ka jirta labo sano wuxuu ku waayay 54 neef oo ari ah , 6 neef oo u soo badbaaday ayuu hadda ku dhaqaaleystaa xerada barakaca ah ee ay ku nool yihiin.

Xalwo Cabdulle, waa hooyo 8 carruur ah ku haysato xerada Kulmiye, oo ay timid sanad iyo bar ka hor markii ay ku xoolo beeshay abaar ka dhacday miyiga deegaanka Dac-dheer oo 75 km Waqooyi-bari ka xigta Cadaado.

Lix ka mid ah carruurteeda oo gaaray da’da waxbarashada waxaa iskuul ka aadda gabadha u weyn oo 14 jir ah, taas oo waxbarashada ay ka bixiso habar-yarteed oo ku nool magaalada.

Xalwo ayaa intaas ku dartay in marki ay miyiga joogeen aysan qiime la lahayn waxbarashada, laakiin uu fahamkoodii sidaas ahaa ibadelay marki ay halkaan yimaadeen, ayna garatay in waxbarashadu ay tahay mustaqbalka ilmo kaste. Yaa u sheegay?

Way is xumeeyaan markay arkaan ilmo badan oo waxbarasho aadaya oo magaalada ah oo buugaag sidata, anaga maad na gaysid hooyo ayay dhahaan, anna waxaan dhahaa lacag markaan helno ayaan idin geynaayaan waxbarashada”, ayay tiri Xalwo.

Xalwo ma haysato dhaqaale ay carruurteeda uga bixiso waxbarasho, mana shaqeeyaan iyada iyo seygeeda, oo waxay ku nool yihiin kaalmo raashin ah oo mararka qaar ay ka helaan dad eheladooda ah oo ku nool Cadaado.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here