Abaaraha oo beddelay noloshii xoolo dhaqatada Soomaalida

0
202

(ERGO) –Xoolo dhaqato badan oo Soomaaliyeed, ayaa ka wareegay  noloshii miyiga ee ay ku tiirsanaan jireen, kaddib markii wixii ay xoolo lahaayeen ay ku le’deen abaaro soo noq-noqday oo deegaannada Soomaalida ka jiray sanadihii u dambeeyey.

Waxay abaarahaas keeneen in xoolo dhaqatadu ceyroobaan, taasoo ku khasabtay in ay nolol kale sameystaan si ay qoysaskooda u taageeraan.

Ibraahim Ismaaciil Cige, waa 39 jir ku nool magaalada Hargeysa. Waxaa uu bartay habka xabaal-qodista si uu ugu shaqeysta markii 60 neef oo geel ah iyo labo tiro oo ari ah, oo uu lahaa uu ku waayey abaar ka dhacday sanadkii 2016 miyiga deegaanka Dobo-bariyaale oo ku yaalla xuduudda koonfureed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadaagan.

Qoyskiisu oo ka kooban 12 qof oo isugu jira carruurtiisa, hooyadiis iyo walaaladii waxa keliya oo uu ka biili jiray, waa dhaqashada  xoolaha oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd. Ibraahim waxaa uu xoolaha ka dhaxlay aabihii.

Bishii January 2017, ayuu shaqada xabaal-qodista ka billaabay xerada dadka barakacay ee Naasa-hablood Kow oo ku taalla bariga magaalada Hargeysa, halkaasoo ay qoyskiisa hadda deggan yihiin. Muddo saddex bilood ah ayey ku qaadatay in uu barto sida loo qodo xabaalaha.

Ibraahim, waxaa uu maalintii shaqeeyaa siddeed iyo toban saacadood. Lacag dhan $40 oo uu siisto marka uu god qodaba ayuu ku masruufaa qoyskiisa, waxayna ku qaadataa in uu god qodo muddo saddex maalin ah.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay, in inkastoo  shaqada uu haatan qabto ay ka dabartay noloshii carruurta, haddana wuxuu u arkaa  in ay tahay mid aan u qalmin, laakiin ay dantu bidday.  Ibraahim Ismaaciil Cige, waxaa uu xusay in noloshiisa marna  uusan riyoon in uu masruufkiisa ka raadiyo dhimashda qof bini’aadam ah si uu lacag uga helo qabriga lagu duugayo.

“Noloshii miyiga haddii aan geel helo wax aan ku doorsanayo ma ahan magaalo, waa sharaf iyo nin sare shaqadaas, waan iskaga noqon lahaa meesheydii, nin wax walba xusuusan oo nolosha halkii u sareysay taagan ayaan ahaa”

Dhibaatada abaaruhu ku reebeen xoolo dhaqato deegaannada Soomaalidu, waxay keentay, in ay la darsaan xaalado isku mid ah oo ah shaqo la’aan, cuno la’aan, nolosha xeryaha barakaca iyo magaalooyinka oo aanay si fudud kula qabsan.

Cabdi Xaashi Keynaan, oo ah 65 jir, aabaha labaatan carruur ah oo afar xaas u dhaleen, 700, oo neef oo ari ah ayuu ku dhaqan jiray baadiyaha degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Abaar deegaankiisiisa ka jirtay labo sano ayaa ka dhammeysay dhammaan xoolihiisii.

Waxay qoyskiisa sanadkii 2016 u soo barakaceen Cadaado, iyagoo degay xerada barakacayaasha ee Karaama ee duleedka magaalada.  Isla sanadkaas ayuu shaqo kabo-talisnimo ka billaabay gudaha Cadaado.  $2 ilaa 3$ oo uu si maalinle ah uga helo shaqadaas ayuu ku masruufaa afartiisa qoys.

Maadaama ay carruurtiisu badan yihiin oo aanu awoodin in qoysba uu meel gooni ah wax ku karsado, ayuu sheegay in hal gelin oo habeenkii ah ay labo meel ku kala karsadaan hadba wixii ay u goyso oo raashin ah, sidaasna ay ku quutaan.

Keynaan, inkastoo uu 12 saacadood maalin kasta si joogto ah u shaqeeya haddana daqliga soo gala kuma filna qoyskiisa. Carruurtiisa oo 16 kamid ah ay da’da waxbarashada gaareen ma dhigtaan wax iskuul ah, mana awoodo lacag uu kaga bixiyo.

Waxaa uu sheegay in noloshii miyiga iyo dhaqashadii xoolaha ay qoyskiisa ku filneyd, shaqada uu hadda hayana uga wanaagsaneyd wax badan. Waxaa uu jeclaan lahaa in uu dib ugu laabto miyiga haddii uu mar kale xoolo helo.

Xoolo-dhaqatada noloshii miyiga ay abaaruhu ku khasbeen in ay ka wareegaan, waxay kala joogaan meelo badan oo dalka ah. Cabdi Deerow Muxumed oo 58 jir ah, wuxuu ilaale ka yahay isbitaalka Al-Shifaa ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo. $100 oo uu bil kasta ka hela shaqadan ayuu ku maareeyaa nolol maalmeedka siddeed carruurtiisa ah oo ku nool xerada barakacayaasha ee Xabaal-cadey ee gudaha Baardheere.

Shaqadan uu hayo suurtagal uma aha in uu la joogo carruurtiisa, oo bishii lix maalmood ayuu fasax u qaataa si uu ugu adeego, xaaladdoodana ula socdo.

Abaar muddo shan sano ah oo is-xig-xigta ku dhufatay baadiyaha tuulada Daar oo 30 km, waqooyi ka xigta Baardheere, ayaa ka dishay konton neef oo geel ah iyo 200 oo ari ah.

Cabdi Deerow Muxumed, ayaa sheegay in xooluhu ay wax kasta ka muhimsanaayeen, wax soo saarkoodana ay iyaga iyo dadka kale ee magaaladuba ka faa’iideysan jireen. Wuxuu ku rajo weyn yahay in miyiga uu ku noqdo haddii uu helo dhaqaale uu xoolo kale ku tabco.

Shaqooyinka hoose ee dadka xoolo dhaqatada ah ay ka dhaxleen abaarta waxaa ay keentay in magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, ay culeys dhaqaale ku keenaan maadaama ay dul saar ku noqdeen ehelladooda iyo  dadka soo barakacay, kuwaas oo sameystay xeryo. Waxaa kaloo tani ay horseeday in xoolihii ay Soomaalidu dhaqan jirtay ay yaraadaan, sida uu qabo Cabdisamad Maxamed Cabdulaahi, oo bare ka ah kuliyadda arrimaha bulshada ee Jaamacadda Hargeysa.

Cabdisamad, waxaa uu sheegay in arrintan ay keeneyso in magaalooyinku ay buuxsamaan, noloshii baadiyaha ee lagu tiirsanaanna ay meesha ka baxdo.

“Waa in ka hortag xoogan oo abaaraha lagaga baaqsanayo la sameeyo, dowladuhu waa in ay xoogga saaraan sidii seerayaal iyo biyo xireenno, ceelal iyo meelo ay dadkaasi xoolahooda kula baxsadaan wakhtiga abaarta ay ka shaqeeyaan”

Khabiirku ayaa xusay, in dadka magaalooyinka soo galay dib u xooleyn loo sameeyo, si aanay nolosha miyigu u baabi’in, xoolo dhaqataduna uga baaqsadaan nolosha adag ee ay hadda ku jiraan.

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here