Ceelbarde: Sare-u-kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo maciishadda oo saameeyay nolosha dadka danyarta ah

0
114
Sawir/Keyd/Ergo

(ERGO) – Xaliimo Xassan Maxmuud oo haysata Lix caruur ah, waxay ka mid tahay dadkii abaartu ka soo barakicisay deegaanka Haluul ee gobolka Bakool, markii 57 neef oo ari ah iyo 12 neef oo lo’a ah oo ay dhaqaneysay ka dhamaadeen. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in saddex maalin oo ay qabato shaqada dhar dhaqista ay ka hesho 50 kun oo shSo ah, islamarkaana aysan u goynin wax maalintii ay hal mar cunnaan halka hore ay labo jeer maalintii ay u gayn jirtay wax ay karsadaan. 

Xaliimo ayaa tilmaamtay in lacagta ay maalintii hesho haddii ay shilin Soomaali noqoto aysan waxba ku gadan oo ay guriga iska dhigto. Reeraha ay u shaqayso qaarkood iyo kuwa ay qaraabo yihiin ayay ka heshaa lacag ay taleefanka ugu soo tuuraan, taas oo ay ku gadato hal kiilo oo bur, bariis ama sokor ah, si ay saddex maalin u haystaan kiiladiiba.

Kiilada sonkorta, burka ama baastada oo horay u ahaa lix iyo toban kun oo shilin Soomaali ah $0.78, ayaa gaaray 40 kun oo Shilin, $1.94, halka liitarka saliidda ah oo horay ahaa 28 kun hadda uu yahay 50 kun oo shilinka soomaaliga ah oo u dhiganta 2.4 doolar.

Isbadelkan dhanka maciishadda ah waxa sababay u ah lacagta kaashka shilin soomaaliga ah oo badan iyo ganacsatada dukaamada oo doolar mooyee aan kaashka wax ku iibsanin, sida uu raadiyo Ergo u sheegay Shuceyb Xasan Maxamed oo kamid ah ganacsatada iibiya raashinka ee degmada Ceelbarde.

Gawaaridii magaalada raashinka keeni jiray ayaan hadda imaan sababo la xiriira biyihii roobka oo xiray waddooyinka magaalada soo gala. Maalintii waxaa raashin keeni jiray saddex ilaa afar gaari, waxaana hadda isbuucii yimaada hal gaari taas oo iyaduna sabab u noqotay in raashinku uu qaali noqdo.

Dadka barakacayaasha ah oo keliya ma aha kuwa ay saamaynta ku yeelatay qiima kororka maciishadda, danyarta magaalada deggana waa ay taabatay, wax buuran ma heysanin, waxay helaanna kama badneyn dab shidka maalintaas, waxaana welwel ku haya iyagoo daruuftaas ku noolaa caqabadaha ay ka mid yihiin maciishada qaaliga ah iyo lacagta ay helaan oo waxba u gooynin.

Mahad Salaad Cabdulaahi oo deggan Ceelbarde, waa aabbe ay noloshiisa ku tiirsantahay xoogsi. Badanaa nolosha qoyskiisa oo ka kooban toddobo ruux wuxuu ku maareyn jiray lacagta uu soo helo. Waxa uu wadi jiray gaari dameer uu xaabo kaga keeni jiray baaddiyaha, inkastoo roobkii da’ay uu xiray waddooyinka magaalada soo gala taasna ay sababta in shaqadu ka joogsato.

Wuxuu Sheegay in marxalad aad ugu adag tahay meel ay u barakacaanna aysan jirin, isagoo xusay  inuu awoodi waayay nolosha qoyska  oo wax dabka looga shido la heyn, marka laga tago caawimaad uu ka helo dad ehladiisa ah oo ceelbarde ku sugan, sida ilmaha adeeradiis oo kala jooga Xudur iyo Ceelbarde oo marka uu qaylo dhaamiyo ka helo shan ama toban doolar oo uu maalintas reerka ku biilo.

“Markii aan guriga tago carruurtu way igu soo ordayaan, waxay cunaan ayay iga rabaan. Ganacsatada waxaan waydiistay inay dayn i siiyaan inta aan lacag ka helaayo, waana ii diideen, guriga maalin walba dab lagama shido”. Ayuu yiri Mahad.

Shuceyb Xasan Maxamed wuxuu ka mid yahay ganacsatada magaalada Ceelbarde ee gobalka Bakool, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in kaashkii cid ka qaadata ay waayeen maaddama magaalada ay ku badatay lacagta shilinka Soomaaliga ah. Caqabadda ugu weyna ay ka timid ganacsatada kale ee ay ganacsi ahaan wax ka dalbadaan inay daneynayaan doolarka.

 

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here