Cudurka jadeecada ayaa laga soo sheegay tuulooyin koonfur ka xiga degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo laba carruur ah ay u dhinteen, halka 70 carruur ah oo kale ay u jiifaan. Weriyaheenna gobolkaas Cabdirisaaq Haajirow ayaana warbixintaan inoo soo diray.