Awdal: In ka badan 40 kun oo neef ayay dishay duufaantii ‘Sagar’ ee dhacday bishii hore

0
146
Photo|Keydka Ergo

(ERGO) – Afar iyo afartan kun oo neef oo isugu jira Geel iyo Ari ayay dishay duufaantii Sagar ee bishii hore ku dhufatay degmooyinka Baki iyo Lughaya ee gobolka Awdal, sida lagu soo bandhigay xog cusub oo lagu ogaatay tirakoobyo laga sameeyay gobolka. Isu-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ee gobolkaas Daahir Muuse Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xoolaha ay u dhinteen qabow daran iyo roobab xooggan oo duufaantu ay wadatay.

37,434, oo neef oo ka tirsan xoolahaas waxay ku dhinteen degmada Baki, oo ah meesha xoolaha ugu badan ay ku dishay duufaanta. Tuulooyinka Ruqi, Siimoodi, Baysaarre, Qardhiile, Kaxda, Durdurka-cad iyo Qotinka, oo hoos taga degmada Baki ayaa ka mid ah meelaha ay xoolaha badan ku dhinteen.

Xoolahaas ayaa ahaa kuwii ka soo badbaaday abaarta. Waxaana badankood lagu soo badbaadiyay dhulka loo yaqaan Oogada ee gudaha Itoobiyaha oo daaq lahayd. Xoolahaas ayaa Baki lagu soo celiyay billowgii gu’gaan, sida ay Raadiyow Ergo u sheegeen xoolo-dhaqatada deegaannada Baki.

Saddex iyo toban kun oo qoys, oo xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaannadaas ayaa ku cayroobay duufaanta oo 19-kii bishii hore ee May halkaas ku dhufatay Awdal, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Baki Maxamed Axmed Caateeye.

Dayib Daahir Caamir oo ku nool deegaanka Ruqi oo 8 km Bari ka xiga degmada Baki ayaa ka mid ah xoolo-dhaqada ku cayroobay duufaanta. Waxaa duufaanta uga dhintay 32 neef oo Ari iyo 4 geel ah, waxaana u badbaaday labo neef oo geel.

Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa oo dhan ay ku tiirsanayd xoolaha, laakiin hadda ay ku nool yihiin kaalmo ay ka heleen gargaarrada la gaarsiiyay deegaanka.

Dhanka kale, degmada Lughaya ayay ku dhinteen 6,559 neef. Deegaannada Galbeed ka xiga Lughaya waxaa ku nool xoolo-dhaqato, waana meelaha xoolaha ugu badan ee Lughaya ay ku dhinteen.

Xoolaha ku le’day daadadka iyo duufaanta, ayaa qaarkood la aasay, halka qaar kalena la gubay si aanay cudurro uga dhalan, maaddaama lagu jiro xilli roobaad, sida uu sheegay isuduwaha. Laakiin waxaa jiro meelo aan weli laga fulinin howlahaas, tirada xoolaha dhintay oo badan darteed.

Cudurro ayaa ka dhalan kara ay ka mid yihiin shuban iyo daacuun haddii aanla aasin ama la gubin, maaddaama daadadka ka dhasha roobab haddaba da’aya ay suuragal tahay inay ku daraan dooxooyinka iyo durdurrada ay dadka iyo xoolaha ka cabbaan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Mukhtaar Aadan Miicaad, oo ah khabiir ku taqasusay xannaaneynta xoolaha oo jooga magaalada Boorama.

Waxa uu ku taliyay in aasitaanka xoolaha dhintay loo adeegsado cagafyo si aanay dadka cudurro uga qaadin maaddaama muddo badan ay bannaanka yaalleen. Dadka ay xoolaha ka dhamaadeen ayuu sidoo kale ugu baaqay inay iska fogeeyaan xoolaha dhintay si ay u ilaaliyaan caafimaadkooda iyo faya-dhowrka deegaankooda.

Dadka xooluhu dhaafeen ayaa hadda ku nool gargaar isugu jira raashin, dhar, gogol iyo bacaha aqallada laga saarto roobka oo ay ka helaan hay’ado caalami ah iyo deeq ka timid Jabuuti. Gargaarku waxay helaan mar kasta oo deegaanka la gaarsiiyo deeq gargaar ah.

Isu-duwaha ayaa sheegay in dadka ku xoolo beelay duufaanta ay u baahan yihiin in loo sameeyo dib-u-xooleyn, wasaaradda xannaanada xooluhuna ay xogaha dadkaas u gudbinayso xukuumadda iyo hay’adaha caawiya Somaliland. Laakiin ma jiro qorshe rasmi ah oo dib-u-xooleyn lagu sameynayo.

 

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here