(ERGO) – Muslimo Ibraahim Qaasim 47 jir ah, waxay kamid tahay danyarta ku nool degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Xaafadaha magaalada oo ay dhar-dhaqid u aado ayaa ah shaqada keliya ee ay hayso, maalintiina ay ka hesho Shs22,000 oo u dhiganta $1. Lacagtaas ayay ku maaraysaa nolosha lix caruur ah oo aabahood ay kala tageen.
Marka ay shaqada ka timaado, caruurteeda ayay suuqa uga soo iibin jirtay nus kiilo bariis ah oo laga siin jiray 8,000, balse qaaliyoobay oo maanta suuqyada magaalada ka maraya nus doolar. Muslimo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in mararka qaar ay caruurteeda u iibin jirtay galley la shiiday oo qiimo ahaan ka jaban bariiska, balse xilligan iyana la qiimo noqotay bariiska.
Roobabka Guga ee ka da’aya gobolka Jubbada hoose ayaa biyo dhigay wadada xiriirisa magaalooyinka Kimsaayo iyo Afmadow. Isu socodka gadiidkii wadada adeegsan jiray ayaa muddo labo bilood ah xiyiran. Raashinka hadda laga helo magaalada ayaa waxaa keena gaari-dameero muddo toddobo maalin ah ay ku qaadato inay u kala socdaan labada magaalo oo qiyaastii isu jira 120 km. Halkii gaari dameer ayaa qaada siddeed kiish oo raashin ah, iyadoo markii maciishadu qaaliyooday uu kiishka burka ka gaaray gudaha Afmadow $61.
Cabdiqaadir Maxamed Abuukar waxaa uu kamid yahay dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Afmadow. Wuxuu ka shaqeeyaa harqaan uu ku tolo dharka oo uu ka raadiyo nolol maalmeedka qoyskiisa oo ka kooban 11 qof. Lacag $5 ku dhow ayuu maalintii ka helaa shaqada, balse hadda lacagtaas raashin saddexda waqti ay cunaan uguma filna, halka markii hore ay ka heli jireen, maadaama uu qiimaha raashinku inta ka jabnaa.
Qaar kamid ah ganacsatada Afmadow oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in aanay ka rajo qabin in waddada u dhexaysa Afmadow iyo Kismaayo ay furanto bisha soo socota ee July, maadaama ay jiifaan biyo badan iyo dhiiqo aanay gaadiidku mari karin. Ilaa toban gaari oo Kismaayo ka baxday ayaa ilaa iyo labo bil hadda ku jira wadada u dhexaysa Kismaayo iyo Afmadow.
Degmada Afmadow waxaa toddobaadkii tegi jiray 15 gaadiid ah oo wada raashin iyo qudaar, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Sheekh Maxamed Dhaqane Cabdi. Gaadiidka ayaana u kala socda labada magaalo 12 saacadood.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ilaa 350 ceel oo dadka degmadu ay biyaha gacmahooda uga heli jireen ay daadadka ka dhashay roobka ay awdeen, marka laga reebo 120 ceel oo ka samata baxay oo dadka magaaladu ay xilligan ku tiirsan yihiin.
Roobabka kahor degmada Afmadow waxaa sidoo kale u furnaa labo wado oo kala aada Dhoobley iyo Diif, laakiinse xilligan ku xirmay roobabka deegaanka ka da’aya. Waddooyinkaas ayaa ah kuwo muhiim u ah isu socodka dadka iyo ganacsiga.